BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo oo Gaadhay Dalka Sucuudiga Iyo Soo Dhawayn Balaadhan oo Lagu Qaabilay.
April 14, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Dammaam ee boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha iyo Wefdiga la socda ayaa waxaa magalada Dammaam ee dalka Sacuudiga ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Sacuudiga, isaga oo garoonka magalada Dammaam kulla kulmay madax ka tirsan dalkaasi Sucuudiga.

Farmaajo iyo wefdigiisa ayaa ka qeyb galaya shir-madaxeedka 29-aad ee Jaamacadda Carabta oo lagu lafa gurayo qaddiyadaha ugu dambeeyay ee ka taagan gobolka iyo guud ahaan dalalka ku bahoobay ururkan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS