BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Caan ah oo Isku Badalay Suxufi + Barnaamij Khatar ah oo uu Tabiyay
April 8, 2018 - Written by admin

Madaxwyanihii hore ee dalka Baakistan Pervez Musharraf ayaa mar qudha ka wareegay mihnadda siyaadda isaga oo u diggo rogtay dhankaasi iyo saxaafadda.

musharaf

Madaqxwayne Pervez Musharraf  waxa uu ka soo muuqday barnaamij laga sii dayey telefiishanka Bol Tv, gaar ahaan waxa uu daadihinaayyey barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa telefiishankaasi.
Sawirka Madaxwayne Pervez Musharraf – Google

Pervez Musharraf ayaa su’aalo dadku weydiinayeen si toos ah uga jawaabaayey. Waa 73 oo hore dalka Baakistan xukun millatari ugu qabsaday, in muddo ah waxa uu ku noolaa magaalada Dubia ee dalka isku-taga Imaaraadka Carabta. Maxkamadda sarre ee dalkaasi Baakistan ayaa bishii March amartay in uu dalka ka tago. Musharraf waxa lagu soo eedeyey in uu geystay khiyaamo qaran.

Hayeeshee dadka reer Baakistan ayaa arrintani uu ku dhaqaaqay madaxwayne Pervez musharraf layaab ku noqotay.

isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS