BALIGUBADLE MEDIA
Maayar Soltelko oo Dhagaha Ka Furaystay Cabashooyinka Baahsan ee Kaga Imanaya Bulshadda Caasimadda
April 14, 2018 - Written by admin

Maayirka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco cabashooyin is barkan ayaa muddooyinkii u danbeeyey uga imanaayay bulshada ku dhaqan caasimadda.

Waxa muddooyinkii u danbeeyey warbaahinta lagu arkaayey dadwayne cabasho xoogan ka muujinaayey maayirka caasimadaa Hargeysa Solteco. Dadkan maayirka dhalliilaha u jeedinaayey ayaa u badan dad danyar.

Maayirka caasimadda ayaa lagu eedayanayaa in uu dad danyar ah ku haysto dhullal ay sharciyadooda haystaan isaga oo awood adeegsanaya. Dad ku dhaqan galbeedka magaalada Hargeysa oo la hadlay warbaahinta waxay soo bandhiggeen shalay tacadiga uu maayir Solteco u geystay hooyo da’ ah. Dadkani ayaa sheegay in hooyadani uu maayirku ku haysto dhul ay lahayd muddo 22 sanno ah isla markaasina ay cashuurtiisa si bjoogto ah u bixinaysay.

“…waa lay dhacayaa, xaq iyo xuquuq anoo haysta anoo dhulkaygii haysta oo sharci iyo wanaag haysta ayaa xoog iyo curcur ayaa laygaga qaadanayaa…Imikana shaadh haayaaba laysoo gashaday….” ayay tidhi hooyadani da’da ah oo ka cabanaysa maayirka caasimadda Hargeysa Solteco.
Sawirka hooyada da’da ah ee ka cabaneysa maayirka Caasimadda.

Bulshadani ayaa madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in uu hoos u eego dadka cadaalada u baahan oo ay kamid tahay hooyadani ay sheegeen in uu maayirka caasimaddu dhulkeeda ku haysto. Sidoo kale dadkani waxay ka warameen in ay dhulkani markhaati uga yihiin hooyadan da’da ah.

Hooyadani ayaa sheegtay sidoo kale in ubadkeedu yar yar yihiin isla markaasina aanay haysan cid maanta uga hiilisa maayir caasimadda Hargeysa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS