BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadayda Si Siman ayay Uga Wada Muuqdaan Beelaha Somaliland”Madaxwayne Biixi”.
April 11, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay la waydiiyay su’aal ku saabsan sababta uu beelaha Somaliland ugu kala badiyay saamiga xukuumadda uu soo dhisay.

majaalilayste muuse

Madaxweyne Muuse Biixi oo waraysi dheer uu ka qaaday Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Universaltv ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu beelaha Somaliland u kala badiyay dhismaha xukuumaddiisa.

“Waxaan Ka bixinayaa addigu tiriyoo, hadii  aanay reeruhu isu miisaanayn dee waa runtaa faaladaasi, hadii ay isu miisaaman yihiina dee tiro ayaaba taala meesha oo waa wax la yaqaano oo la tirinaayo markaa la iskuma haysto beeluhu isuma miisaana tiradaas” ayuukaga jawaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Mar la Weydiiyay sida uu arko Shirka Beelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa waxa uu xusay in uu soo dhaweynayo “Shirkaas waan soo dhaweynayna, Somaliland waxa ay ku caano maashay marka ay waxba garan waydo way shirtaa oo ay way tashataa wanaag ayaana ka soo baxa.

Cidii sharaysanaysa waxaaba ogol dastuurka, markaa shirkaasi waa mid nabadeed, waxaanay ka tashanayaan waxa ay qoonsanayaan, hadii ay aniga wax iga qoonsanayaan xaq bay u leeyihiin, waanu wada hadli oo daw bixiye ayaan ahay, hana soo uruuriyaan taladooda waanu isu imanaynaa” ayuu yidhi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS