BALIGUBADLE MEDIA
Imaaraadka oo La Sheegay Inuu Bilaabay Fiisaynta Baasaaboorka Somaliland.
April 5, 2018 - Written by admin

ida uu xaqiijiyey safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta waxaa uu dalka Imaraadku si rasmi ah u aqoonsadey in Passport-ka Somaliland dalkaasi lagu tagi karo .

Sidoo kale Safiir Baashe Cawil ayaa waxaa uu sheegay in dalkaasi uu bilaabay Fiiseynta Passport ka Somaliland .

Dalkan ayaa noqonaya dalkii Saddexaad ee Aqoonsada Passport-ka Somaliland isla markaana ogolaada in dalkiisa lagu galo , hore Passporta ka Somaliland , waxaana  sifo sharci ah hore loogu tagi jiray dalalka Itoobiya Iyo Jabuuti

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS