BALIGUBADLE MEDIA
Hargeysa Caasimaddii Dusha Ka Miinaysnayd!!! W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer yare)
April 4, 2018 - Written by admin

Hargeysa waa caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo dhacada bariga qaarada madow ee afrika, caasimadani waxay soo martay xaaladdo iyo isbedelo badan, waxay kasoo gudubtay burbur iyo dhaqaallo xumo ay sababeen dagaaladii dib u xoraynta iyo kuwo sokeeye oo ka dhacay sagaashameedyadii.

Horumar shacabka hargeysi sheegeen in ay caasimaddu gaadhay ayaan ilaa hadda u muuqan mid heer fiican laga gaadhay, si kastaba ha ahaatee hargeysa waxaa ku dhacay isbedel u muuqda indhaha dadka inta wanaagsan fiiriya.

Hadii aan u soo dhaadhoco ciwaanka qormaddan oo ah “Hargeysa caasimaddii dusha ka miinaysnayd!!!”, hadda oo la galay wakhti gu’a ah oo ay jiraan roobab iyo dabayalaha roobabka keena ayaa inta badan bulshada ku dhaqan hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland waxay aad uga werwar qabaan dhibaatadda xadhka laydhka iyo tilifoonaddu ku keeni karaan bulshada iyo magaalada guud ahaan, wakhti kasta oo roob da’o waliba xiliyadda habeenkii ah waxaa magaalada laga dareemaa laydh la’aan ama waxa loo yaqaan shood-ka oo ay dhaliyaan dabaylaha roobka tan oo ay ugu wacantahay xadhka  sida bilaa xisaabta ah u dul maraaya caasimadda leh dhismayaasha dhaadheer ee quruxda badan.

Tiraba dhawr dhacado oo aan goobjoog u ahaa waxaa xadhkaha laydhka iyo tilifoonadda oo ay leeyihiin shirkado kala duwan ay magaaladda ka dhaliyeen shoodh iyo dareen naxdin leh oo ku dhalatay qof kasta oo ka agdhow goobtaas, in kasta oo hargeysi maanta leedahay si aad ahna ugu faanayso ciidanka kahortaga dabka ee Dab-demiska, hadana waxaan la xasuusnayan in meelaha qaar oo aad uga fog fog ciidamadda ay ka dhici karaan shilal halis badan oo ay sababi karanaan xadhkaha korontadda iyo tilifoonadda ee sidda bilaa maskaxda ah isku dhex qaadaya.

Hadii aan xukumadda gaar ahaan wasaaradaha ku shaqada lehi si deg deg ah wax uga qaban, dhacdada noocan oo kale ahi waxay xiliyadda roobabka ka dhalin kartaa guud ahaan magaaladda gaar ahaan meelaha u sahlan dabka sida Xaafadaha isku raranka ah iyo suuqyadda oo badankoodu ka samaysan cooshado iyo baco, dabkaas oo si fudud ku fidi kara isla markaana keeni kara khasaare naf iyo maal labadaba iskugu jira illahay ha inaga ilaaliyee.

Inaga oo markasta illahay ugu mahadnaqayna raxmaadkiisa roobka ee uu inugu galadeystay, haddan waxaynaan mooganeyn in nimco kasta ay nusqaan iyo dhinaasho leedahay, tan dabka ee ka dhalan karta xadhkuna waa mid kamid ah dhibaatooyinka aan bulshadda iyo xukumadu ka warqabin , isla markaana si fudud u dhalin kara khasaare dhan kasta ah.

Gebogebo: Arintan waxaa si fudud wax looga qaban karaa si “Ilkana u badbaadaan xeedhana u nabad gasho”, iyadda oo wasaaradaha ku shaqada lehi amar kasoo saaraan, isla markaan cid kastoo ay arintani si gaar ah u taabanaysaa ka fikirto badbaadinta bulshadeeda oo aanay ku koobnaan ka fikirka danahooda ganacsi oo keliya, maalin iyo todobaad labadaba shacbigu way ka maarmi karaan laydh iyo tilifoon inta laga asturaayo ee laga babaadinaayo khatarta sida fudud ugu dhici karta xiliyadda roobka, taas oo wakhtigaas lugu bixinaayo sidii xadhka dhulka hoostiisa loo marin lahaa, Kalasaarida xadhka sida foosha xun isku dhex mulaaqmay ayaa yarayn kara khatar ka dhalata xiliyadda roobka, sidoo kale qurux u noqon karta magaaladan caasimadda ah.

Wabilahi tawfiiq.

Suxufi, Qoraa Madaxbanaan

Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

[email protected]

www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa – Somaliland

COMMENTS