BALIGUBADLE MEDIA
Hambalyadda Madaxda Caalamka oo Si Iadaba Jooga Ugu Socota Raysalwasaaraha Cusub ee Ethiopia
April 4, 2018 - Written by admin

Abiy Ahmed, Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Waddanka Itoobiya oo shalay loo dhaariyay Xilkaasi ayaa weli guddoomaya Dhambaalo ay u soo dirayaan Madaxda Caalamku, kuwaas oo ugu hambalayaynaya xilka cusub ee loo dhiibay.
abiy ahmed
Madaxda Wadamada Geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Soomaaliya, Kenya, Somaliland ayaa gaadhsiiyay Hambalyo, ka dib markii xilkaasi loo dhaariyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay boggauu ku leeyahay Twitterka waxa uu ku sheegay in uu khadka telefoonka k ula xidhiidhay Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed isla markaana uu ugu hamalyeeyay xilka loo dhiibay.

Madaxweynaha Waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isna qoraal uu soo dhigay boggiiisa Twitterka ugu Hambalyeeyay Abiy Ahmed, waxaanu u rajeeyay guul.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa daqiiqado ka dib markii xilka loo dhiibay isna qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu u hambalyaynayo Ra’isal Wasaaraha cusub, iyada oo guddoomiyaha midawga afrika uu Muuse Faki iyo madaxweynaha Ruwanda ayaa iyana dhambaal Hambalyo ah soo gaadhsiiyay.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS