BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Ruushka Oo Soo Bandhigtay Aragtida Ay Ka Qabo Eedaymaha Uga Imanaya Wadamada Galbeedka Iyo Maraykanka –
April 3, 2018 - Written by admin

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka , Sergei Lavrov,ayaa sheegay in wadamada reer galbeedka ay wadaan sheeko caruureed marka ay Ruushka ku eedeeynayaan in ay sumeeyeen nin hore uga tirsanaa sirdoonkooda.

lavrov

Mr Lavrov oo saxafadda la hadlayay ayaa sheegay in baaxadda uu muranka gaadhay aanay  ahayn mid Ruushka ku xidhan.

Waxa uu Britain iyo Mareykanka ku eedeeyay in ay meel iska dhigeen dhammaan dabeecadihii la aqbali karayey.

Ruushka ayaa beeniyay in ay masuul ka ahaayeen weerarkii loo adeegsaday Sunta waxyeeleysa neerfooyiinka ee loo gaystay Sergei Skripal iyo gabadhiisa.

In ka badan 20 dal ayaa ceydhiyay dublamaasiyiintii Ruushka, iyaga oo ka jawaabayaysumaynta Sergei Skripal .

Ruushka ayaa dhankooda ceydhiyay dublamaasiyiin u dhashay dalka Mareykanka.

Dhanka kale xukuumadda Moscow ayaa ururka mamnuucidda hubka Kimikada waxay u gudbiyeen tira su’aalo ah.

Ruushka ayaa daalbaday in laa xaqiijiyo eedeeynta Britain ee ku aadan dhacdadan.

Khubarada u kuur gala arrintan ayaa sheegay in tallaabooyiinka Ruushka iyo wadamada reer galbeedka ay u muuqdaan kuwa la mid ah kuwii dagaalkii qaboobaa.

Source:-BBCsomali

COMMENTS