BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi oo Xidhiidhka U Jaraysa Dhamaan Haay’addaha UN-Ka Ah Ee Ku Sugan Hargaysa
March 26, 2018 - Written by admin

Xukuumadda uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa diyaarisay qorshe ay cawda ugu jarayso dhamaan Hay’addaha UN-ka ee Somaliland ka hawlgala ee Xafiisyada ku leh Magaalada Hargeysa,Waxaana Arintaasi loo saaray Gudi uu Gudoomiye ka yahay Madaxweyne ku xigeenku,kuwaasi oo dhawaan la sheegay inay soo saarayaan qorshe ay dalka kaga tarxiilayaan Dhamaan wixii Hay’adda UN-ka ah ee dalka ku sugan.
uniesco

Sida warbixintani aanu ku helnay Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan Arintani u saaray gudi uu Gudoomiye uga dhigay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),islamarkaana ay Xubno ka yihiin Dhawr wasiir oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland

Sacad Cali Shire,Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor,Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Mareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol iyo Xubno kale kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay kulamo ka yeelanay talaabo la sheegay inay Xukuumadda Somaliland la maagan tahay inay dalka kaga saarto dhamaan Hay’addaha UN-ka ah ee Dalka Somaliland ku sugan.

Lama garanayo sababta ay Xukuumadda Somaliland go’aankan adag u qaadanayso,mana jiro war rasmi ah oo Hay’addaha Dawlada ka soo baxay oo arintani faah faahinaya balse waxa ay illo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeysa Foore u xaqiijiyeen inay Xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi intii ay Xilka haysay aanay la dhacsanayn Shaqada Hay’addahani, islamarkaana ay aad ugu fiirsanaysay qaabka ay Hay’addaha UN-ku ula macaamilaan Somaliland iyo faa’iida ay Somaliland ku qabto waxaanay arintaasi keentay in Gudi loo saaro. Waxa sidoo kale ay Xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi ka biyo diiday Qaabka xaqiraada leh ee uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Micheal Keating ula macaamilo Somaliland iyo sida uu u qariyay ee aanu ugu soo darin khudbadiisii uu sanadkan bilawgiisii ka jeediyay fadhigii Qaramada midoobay Jan 25, 2018,doorashadii Madaxtooyada ee taariikhiga ahayd ee Somaliland ka qabsoontay.

Warar kale ayaa sheegaya in Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulista Hawada Somaliland iyo Soomaaliya ee ICAO ay dhawaan u guurayso Muqdisho islamarkaana ay si rasmi ah uga xamaan guranayso Magaalada Nairobi oo ay mudo dheer hawsha ka waday,iyadoon wax wada tashi ah kala yeelan Dawada Somaliland, waxaanay arintaasi sida la sheegay si xoojisay kalsoon darada Somaliland ka qaadatay Hay’addaha UN-ka iyo wada shaqaytooda. Arintan la sheegay inay Somaliland dalkeeda ka saarayso Hay’addaha UN-ka ayaa waxa garab socda in sidoo kale la joojiyo dhamaan Duulimaadyadii ay Diyaaradaha UN-ku ku iman jireen ama ku soo mari jireen guud ahaan Hawada dalka Somaliland. Hay’adda ICAO ayaa sida la sheegay bishan 29-keeda u guuraysa Muqdisho,halkaasina doonaysa inay ka maamusho Hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Xigasho Wargayska Foore

COMMENTS