BALIGUBADLE MEDIA
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka oo Cambaareeyay Ganacsiga uu Shiinuhu La Leeyahay Afrika
March 7, 2018 - Written by admin

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa cambaareeyay qaabka ay Shiinaha u wajahaan dhaqaala ahaan qaarada Afrika, ka hor booqashadiisa ugu horreysay ee uu qaarada ku imanayo.

Waxa uu sheegay in Shiinaha ay dhiirigalinayaan ku tiirsanaan ayna isticmaalayaan heshiisyo musuqmaasuq oo halis galinaya kheyraadkooda dabiiciga ah.

rex

Mr Tillerson ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qorsha gargaar bina’aadanimo oo dhan $533 milyan oo doolar.

Inta uu booqashada ku joogo qaarada waxa uu ka shaqayn doonaa sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka Afrika ka dib markii madaxwayne Donald Trump la sheegay in bishii January uu hadalo aflagaado ah u adeegsaday wadamada qaaradda Afrika.

Mr Tillerson ayaa hadalkan ka jeediyay jaamacadda George Mason oo ku taalla gobolka Virginia,ee dalka Mareykanka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa lagu wadaa in booqasho toddobaad qaadan doonta uu ku tago wadamada Chad, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Nigeria.

Waxa uu halku dhig uga dhigay booqashadiisa ka hortaga    argagixisada,dimuqraadiyada ganacsiga iyo maalgashiga.

Mr Tillerson ayaa si kulul u cambaareeyay dawladda Shiinaha, waxaanu sheegay in maalgalinta Shiinaha uu muhim u yahay sare u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha Afrika , balse qaabka ay arrintaasi u wajahayso uu horseeday deymo badan iyaga oo abuuray shaqooyiin yar.

Labaatankii sano ee ugu dambeeyey ganacsiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ayaa sare u kacay taasi oo sare u qaaday damaca Shiinaha ee macdanta qaaradda.

Si kastaba ha ahaatee shirkadaha dhismaha  ee Shiinaha ayaa si aad ah sare ugu qaaday kaabayaasha dhaqaalaha ee muddada dheer la dayacay sida wadooyiinka dhawr dal.

“Ammaanka iyo dhaqaalaha dalkeena ayaa waxa la xidhiidha  Afrika sidii hore si ka badan,” ayuu yidhi Mr Tillerson

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa intaa ku daray in gargaarka bina’aadanimo uu caawin doono dadka ay haysto gabaabsiga dhanka cunnada iyo dagaaladda ee ku sugan Soomaliya, Koonfurta Sudan, Itoobiya iyo Chad.

Mr Tillerson ayaa sheegay in booqashooyiin badan uu hore ugu tagay Afrika.

Booqashadiisan oo ah tii ugu horreysay tan iyo intii uu xilka qabtay ayaa ku soo beegmaysa xilli dhigiisa Ruushka, Sergei Lavrov, uu toddobaadkan booqan doono dalalka Angola, Itoobiya, Mozambique, Namibia iyo Zimbabwe.

Fariinta muhimka ah ee Rex Tillerson ayaa ah in uu saaxib dhab ah la yahay Afrika taasi oo ka duwan tan Shiinaha.

Mareykanka ayaa wax badan ka qaban doona sidii lo yareyn lahaa caqabadaha haysta  ganacsiga iyo maalgashiga  Afrika.

Ku dhawaaqidiisa in gargaar bina’aadanimo ay siinayaan dhowr dal oo halis ugu jira macaluul ayaa ah mid la soo dhawayn doono.

Balse Mr Tillerson ayaa la shageeyaa in uu u shaqeeyo madaxwayne marar badan ka hadlay in uu dhimmi doono culayska Mareykanka ka haysta dibadda.

Source:-BBCsomali

COMMENTS