BALIGUBADLE MEDIA
Xadiga Lacagta Xaqul Qalin ee Kornayl Muuse Biixi Ku Qaatay Saxeexa Saldhiga Milatari ee Berbera
March 17, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay si rasmiya u shaaciyay inuu saxeexay in Dalka Imaraadku Saldhig Millatari ka dhigtaan Garoonkii Diyaaradaha Berbera oo ah midka ugu dheer Afrika.

majaalilayste muuse

Qodobo afgobaadsi u badan oo ay kamid ahayeen inay Imaraadka ka codsadeen inuu kala hadlo Waddanka Sacuudiga si uu xayiraada uga qaado Xoolaha Soomaalida, ayaa kamid aha waxyaabaha uu sheegay inay dhaafsadeen bixinta Saldhiga Millatari.

Balse ilowareedyadda baligubadlemedia helayso ayaa sheegaya in kornayl muuse biixi lacag malaayiin dolar ah siistay saxeexa heshiisla saldhiga milatari ee imaaraadku ku yeelanayo berbera

wararka laga helayo imaaraadka ayaa sheegaya in kornayl biixi lacag gaadhaysa 25 milyan oo dolar oo xaqul qalin ah ku qaatay saxeexa heshiiska saldhiga milatari ee berbera

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kamid aha Dad Xisbiga KULMIYE ka tirsana oo saluugsana hanaankii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo u curisay heshiisyada DP World ee Dekeda iyo Saldhiga Millatari, waxaanu dad badan u sheegay markii uu ololaha ku jiray inuu ku noqon doono heshiisyadaas hadii uu doorashada soo baxo balse dadkii wakhtigaas sidaa u faalayn jiray kornayl muuse biixi ayaa u muuqda qaar aan aqoon badan u lahayn waxaana muhiimadda koobaad ee kornayl muuse biixi tahay in kharashkiiisa ka qaato hawlkasta oo uu qabanayo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS