BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Arimaha Dibada Oo Soo Bandhigay Ujeedada Shir Ay Somaliland Ku Qabanayso Magaalada Brussels Ee Wadanka Belgium
March 7, 2018 - Written by editor

Wasiirka arimaha dibada somaliladn Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay shir ay dawlada somaliland ku qabanayso wadanka Belgium. Wasiir Sacad oo faah faahin ka bixinayey kulan uu la qaatay xubno ka tirsan baarlamaanka midawga Yurub ayaa sheegay in shirkaas lagaga hadli doono arimo la xidhiidha horu marka somaliland.

sacad cali shire

Wasiirka oo ugu horayn ka hadlaya  kulan ay xubno ka tirsan xukuumadu la qaateen wefti ka  socday midawga Yurub ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu iskugu nimid shir ay ka soo qayb galeen wasiiro badan iyo wefti ka socda baarlamaanka midawga Yurub oo uu hogaaminayo xubin ka tirsan baarlamaanka James Carver, waxaanan ka wada hadalnay danaha somaliland iyo Midawga Yurub.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay ujeedada shir ay somaliland ku qabanayso xarunta midawga Yurub ee Brussels  waxanu yidhi “Waxaana ugu muhiimsanaa qodobadii aanu ka wada hadalnay shir aanu doonayno inaanu ka qaban qaabino magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub kaas oo ku saabsan maalgashiga, ganacsiga iyo horu marka somaliland.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS