BALIGUBADLE MEDIA
War Bixin Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Haayada Shaqaale Dhimista Dalka Ee Ku Tilmaaman Haayada Shaqaalaha Dowlada. W/Q:Ugaas Cumar Jaamac Iidle
March 19, 2018 - Written by admin

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle waa shakhsi dhalinyaro ah isla markaasna  wakhti xaadirka hogaanka u haya,  haayada shaqaalaha dawlada, CIVIL SEVICE COMMISION’  isagoo nasiibku haleelsiiyay shaqadan xukuumadii Axmed Siilaanyo ,  waxaanu noqday shaqadan ka hor,  Xoghaya wasiirkii hore madaxtooyada Xirsi Cali X. Xassan. Xaal wuxuu halkaa joogaba, waxa sidoo kale shaqadan halabsigeeda iyo hanashadeeda u guday hillin gudcur una qabtay hawlo booli ah, waxa uu xilkan  loo magacaabay markay ahayd taariikhdu 12/14/2015.

Sharmaake haa waa aftahan afmaala,  waxa uu adeegsada halku dhigyo farshaxamaysan oo si xirfadaysan odhaahdooda uu ugu beexaamiyo, bulshada laabta xaadhna ee reer Somaliland.  Sidoo kale sharmaake waxa uu gashanyahay labo shaadh oo kala hooseeya, la’  fal galka iyo shaacinta waxqabadka been sibaalaha ah’ ee magac muunad iyo mudnaan doonta ah, waxa uu isku shaaximaa shaadhka uu ku sharaf dhowrto shakhsiyadiisa. Qaabilaada dhalinyarada iyo dadka  hawlaha shaqo ka leh,  iyo sidoo kale dhalinta Somaliland waxa uu ku qaabilaa  dhoolla cadayn aan caloosha sii jirin, weji furnaan aan sii fogayn, iyo sidoo kale caadifad hoosaad, cunsurinimo huwan. Sharmaake geelle  dhaayo masaarin dhegna kuma dhugan wax-qabad uu si habsami u socod iyo hiraale ah ku soo gebogebooba, lagana mahadiyo isagoo hayay xilkan muddo ku siman, 3 sano iyo 3 bilood ah. Soo bandhigida wax-qabadyada iyo mashaariicda uu uga gol leeyahay inaan xilka meertada ah ee qaranka laga xayuubin, sidoo kale mashaariicahan ayaa uu saamiga ugu badan uga faa’iideeyaa dadka ab iyo abtirsiinta ay beel wadaagta ku yihiin.  Sharmaake geelle waxaan leeyahay sinnaantu sidaa maaha walaal , hadaba Afareydan kooban ayaan ku cabbiray dareenka xajiinta xambaarsan ee sharmaake ku hayo dhalinyarada Somaliland:

Been sibaale shaaci maaha, imtixaan sirgaxan qabo maaha, hadhow kala sitaar maaha, xaqana ha soorin maaha, sin-wareeji sharciga maaha, dhalintana ha simin maaha, qo-qob siidh abuur maaha,  hayb sooce noqo maaha.

Waxaanu sharaamke geelle ku dhaqaaqay tan iyo muddo xileedkiisii,  labo-mar  hawlo shaqo-abuur sanadkii 2017-kii  isagoo dhalinta u sheegay inay marayaan kuna kala baxayaan imtixaan caddaalada oo aan ciil lahayn, iyagoo ugu dambayn  dhicisoobay hawlahaasi cabatin fara badan kaga soo fal celiyeen dhalintii imtixaankaa gashay.  hawlahaa shaqo  ee ku binaysan dhuunyaalaynta dhalinyarada iyo laab-kaca, hummaaga ah uu ku dhawaaqo wakhtiyada qaar.

Tiro-koobka shaqaalaha Ee  Madax Taabashada ah’ isla markaana  uu ka  wado hadda  gobolada dalka Somaliland.

Dhawaan Waxa uu ku dhawaaqay  ama sidii caadada u ahayd sheegay inuu madax taabasho iyo tirokoob shaqaalaha dalka ah ka bilaabayo gudaha dalka iyo dhamaan gobolada Somaliland. Isla wakhtigan waxaa uu ku guda jiraa hawshan isaga iyo (Team)-kii ay wada shaqaysan jireen, ee utaagnaa hagar daamaynta dhalinyarada, iyo shaacinta shaqo abuur aan xalaal ahayn, sidoo kale  waxa uu gobolada qaar kasoo khatimay hawshaan.  Waxa uu sidoo kale hawshan sheegay inay albaabada u furidoonta dhalinyarada jamacadaha dhameeyey ee shaqo la’aanta ah. Isla markaasna helidoonaan fursad ay qarankan ugu adeegaan, iyagoo tiro badani ka bixidoonto meesha. Hayeeshee sidaan ognahay waxaa hawshani daba socotaa hawlihii hore ee gacan rimiska ahaa, waxaana uu wadada u xaadhayaa shaqaale iyo ashkhaas gaara oo uu hawshan ku siin doono shaqooyin kala duwan. Waxaanu sidoo kale sheegay caaglaha iyo caajiskuba inay ka bixi doonaan meesha, hayeeshee waxaa sida dharaarta u cad in hawshani noqonayso hal-bacaad lagu lisay, hawshan halka ay ugu dambayn ku biyo shubato iyo natiijadeeda saxda ah waa la ogaan. Odhaah somaliyeed ayaa ahayd (War Jiraaba Cakaaruu Iman)

Iyadoo bishan aynu soo dhaafnay uu golaha baarlamaanka Somaliland shaqadan tiro koobka ugu tagay si’uu u tiro kooba shaqaalaahe hoosaadka  baarlamaanka hayeeshee gaashaanka ayaa ay ku dhufteen, waxaana halkaas ka cad inuu, hawshani tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, qiimo ballaadhana qaranka ugu fadhiyin.

Hawshan ayaa af-meerkeedu noqonayaa sida aynu in badan ka dheregsanahay hawlihii hore dhicisoobey.

Gebegebadii odhaahdan aan ku baahiyey qoraalka waa mid xambaarsan waaqic iyo xaqiiqo kana fog-been iyo bahweyn, hayeeshee maaha mid aan meel kadhac iyo maag u geysanayo masuulkan sharmaake geelle, hayeeshee waa marag madoon inuu yahay mid arimahan caadaystay.

Facebook:  Ugaas Cumar Jaamac Iidle

[email protected]

W/Q:Ugaas Cumar Jaamac Iidle

COMMENTS