BALIGUBADLE MEDIA
Ururka PEN GROUP oo Ka Hadlay Cadaalad Darro Baahsan oo Dalka Ka Jirta.
March 6, 2018 - Written by admin

Ururka aqoonyahanka beesha degta bariga iyo koonfurta Hargaysa ee layidhaa PEN GROUP ayaa sheegay in talada dalka Somaliland laga ilaaliyo beelaha qaar.

news3
Ururkan ayaa sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxaanu war-saxaafadeed kaasi oo dhamaystirani uqornaa sidan:-

dalka Somaliland oo madaxbanaanidiisa ka helay dalka Britain 1960 ayaa markale dib ula soo noqday xariyadiisii 1991kii kadib midawgii aan la samaysanay dalka koonfurta Somaliya.

Dib u helka xoriyada Somaliland ayaa waxaa uu ku yimid halganka xornimo doonka ah oo ay  ku baaba’een hantidii Somaliland  dad farabadan oo

Somaliland ahi ay ku nafwaayeen.

Hadaba shacabka Somaliland ayaa ku heshiiyay axdi qarameed lagu dhisay Somaliland taasi oo meel looga soo wada jeedsanayo midnimada Somaliland.

Shirar kala duwan oo ka dhacay Boorama, Sheekh iyo Burco ayaa lagu heshiiyay in dalka Somaliland lagu wada noolaado haday tahay nabad, cadaalad, awood qaybsi iyo wadaaga hantida qaranka (Khayraadka).

Waxa kaloo lagu heshiiyay in kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaabayaasha nolasha  dib loo yagleelo.

Halgankaa ay Somaliland soo gashay waxaa ka qayb qaatay dhamaan shacabka Somaliland meel ay joogaanba reer mii, reer magaal iyo qurba joogba.

Hadaba dalka Somaliland waxaa iskaga damabeeyay shan xukuumadood oo ay kala hogaaminayeen

Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmed Cali

Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo hada hogaamiya qaranka Somaliland.

Laga soo bilaabo markii xisbiga Kulmiye talada dalka qabtay 2010kii oo ay shacabka Somaliland wada doorteen waxaa soo baxay in dalkii Somaliland laga duway qaran nimadii oo loo duwan hab qoys iyadoo iyadoo Somaliland loo hogaamiyay dhinaca burburka, haday thay shacabka Somaliland oo lagu kala dhex riday kala shaki, kala qolaysi iyo kala qoqob iyo in la sameeyo wax lagu sheego JEEGAAN , musuq maasu aan xadlahayn , awoodii dalka oo cid gaar ah gacanta loo geliyay isla markaana beelaha qaar laga fogeeyay xukunka

Hadaba hadaan nahay bulshada degta bariga iyo koonfurta hargeisa waxaan saluugnay 8dii sano ee kulmiye xukunka hayay waxaa xukumaduu nagula kacday faquuq iyo cadaawad Gaamurtay oonaan garan meesha xisbiga kulmiye  nagaa qaniinay, waxaa gabi ahaan laga saray saamiigii qaybsigii aan ku lahayn xukuumada haday tahay wasiir , DG iyo hadayadaha  Madaxabanaan, saraakiisha  ciidanka qaranka ee  kala duwan, maamulkii heer gobol (regtional level).

Waxaa dhamaan ay ka madhan yihiin  degmooyinka aan degnaa basic infrastructure haday tahay  tacliin, caafimaad, biyo nadiif ah iyo shaqaalaha dawlada.

Waxaa  la musuqmaasuqay mashruucii xunbo-weyne oo ilaa hada aanay cadayn xukuumadu.

Hadaba qodobadaa iyo kuwa kale oo badan oo ay tabayaan shacabkaygu  waxa keenaysaa Somaliland oo dub uu raacda raadka burburka sidaa dalal badan oo afrikaan ah (African countries) ka dhacaday  ka dib maamul xumida  iyo caqliga afrikana oo aan  ka korin xukun maroorsii tasinay waxa keentaa burburka dalkiisa .

Hadaba shacabka Somaliland waxay ka soo dagaalameen dulmigii siyaad barre mana yeelayaan in kooxda kulmiye xukunka dalka isku koobaan ayagoo ku takri falaya cashuurta shacabka ee aan qayb ka bixino.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS