BALIGUBADLE MEDIA
Sucuudiga oo MarkiI Ugu Horaysay Ku Hanjabay Inuu Nukliyeer Samaysanayo.
March 16, 2018 - Written by admin

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku goodiday in ay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay gobolka isku hayaan ay samaysato hubkaas.

Dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa warbaahinta Maraykanka laga leeyahay ee CBS News u sheegay in dalkiisu uusan rabin in uu samaysto Nukliyeer.

amiirka dhaxal sugaha sucuudiga

“Balse shaki kuma jiro haddii ay Iiraan samaysato bam Nukliyeer ah in markaas dalkiisuna uu sidaas oo kale yeeli doono waliba sida ugu dhakhsaha badan”. Maxamed ayaa intaas ku sii daray hadalka.

Iiraan ayaa xaddiday barnaamijkeeda Nukliyeerka sannadkii 2015kii, ka dib markii ay heshiis la gashay qaar ka mid ah dalalka ugu ugu awoodda wayn caalamka – balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu heshiiskaas ka bixi doono.

Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa wakhti dheer isku hayay Bariga Dhexe iyaga oo kala hoggaamiya Sunniyiinta iyo Shiicada, sida taariikhda lagu hayana waxay kala taageeri jireen dhinacyada isku qabta gobolkaas.

Sannadihii dambana waxaa sii xoogaystay xiisadda u dhaxaysa tan iyo wixii kadambeeyay dagaaladdii ka billawday Suuriya iyo Yemen.

Dhaxal suge Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale ah wasiirka Difaaca ee Sacuudi Carabiya, wuxuuna hadalkaas ka sheegay mar uu waraysi siinayay barnaamijka 60 Minutes ee ka baxa CBS.

Wuxuu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sababta uu bishii Nofeembar Ayatollah Cali Khamenei ugu tilmaamay “Hitlerka cusub ee Bariga Dhexe”.

“Wuxuu doonayaa in uu Bariga Dhexe ka abuuro mashruuc u gaar ah, sidii Hitler wakhtigiisii u rabay is ballaarinta”, ayuu yiri amiirka dhaxalka leh.

“Dalal badan oo Dunida iyo Yurub ku kala yaalla ma aysan xaqiiqsanin khatartii Hitler tan iyo intii uu ka dhacay wixii dhacay, mana doonayo in arrintaas oo kale ay ka dhacdo Bariga Dhexe.

bbc

COMMENTS