BALIGUBADLE MEDIA
Sompower oo La Daalaa Dhacaysa Fadeexado Kaga Imanaya Shirkadaha Laydhka ee Hargeysa
March 25, 2018 - Written by admin

Shirkada Korontadda Sompower Oo Ay Ku bahoobeen in ka badan  34 Shirkadood Oo yar yar oo Dalka Si gaar gaar ah ugu Shidi jiray Laydhka Ayaa Bulshada Somaliland Waxay Uga Warameen Caqabadihii kala Duwanaa ee Ay Shirkadu Soo martay iyo Duruufaha wakhti xaadirkan haysta guud ahaanba balaadhinta Korontadda ee Dalka Somaliland  Goboladiisa iyo Degmooyinkaba .

Gudida Sare Ee Shirkada Korontadda Leydhka Some-Power Oo Kulan ay Warbaahinta ugu warameen ku faafaahiyey Adeegyadooda Korontadda ee ay macaamiishooda iyo dadweynaha caasimada Siiyaan iyagoo,kulan Saxaafadeedkoodan,ku Xusey  Shirkadaha Leydhka Caasimadda Hargeysa oo Maalmihii u danbeeyey Waxoogaa Is Maandhaaf ahi ka taagnaa waxaaney ka  Shirkad Ahaan (Some-Power) Go,aan Cad Ka Istaageen In Shirkadoodu  tahay mid ujeedadooyinka midawgoodu daaran yahey, Sidii Ay Guud ahaanba Shacabka Somaliland

sompower

ugu Gaadhsiin lahaayeen Laydh tayo leh,oo laga taxadirey dinacyo badan oo ku Xidhiidhsan dhinaca badbaadadda iyo Qiimaha Sicirka isticmaalka,oo is Aad uga Hooseeyo kana Jaban yahay Kii ay hore Uga Qaadi jireen Shirkadihii gaar gaarka loo lahaa ka hor intii aaney ku midoobin shirkada sompower.

“Habayaraattee in aaney jirin Shirkadda Some-Power wax Leydh ah oo loo Xidhey,Waxaa cadeyn u ah oo u daliil ah in Xadhkaha Shirkadda ay ku dayacan yihiin oo ay daadsan yihiin muddo laba sano ah Magaaladda bariggeeda marka looga baxo laamiddaa Xadhkaha daadsan ee dhibta badan keenaya haddii naloo sii daayyo oo annaka naloo xidhey Magaaladda halkaa mey daadsanaadeen,markaa wax annaka naloo xidhey majirree Annakaa Gacmaha ka xidhan,Waxa kale oo jirra oo dhibta aan la kulmo ka mid ah Xafiisbaan fadhiyyaa Shirkaddaan Wakiil ka ahhey dadka Macaamiishayadda ah ee Leydhka doonaya kasoo qaad Waqooyiga Magaalada Hargeysa,iyo Koonfurta Magaalada Hargeysa ciddina intaa ilama joogto haddii aan ahey,Some-Power laakiin Xadhig hall Guri uma galin karo dadkii Muwaadiniinta ahaa wey dhibban yihiin annakuna,waanu dhibbanahey markaa waxaa la leeyahey waxbaa loo xidhey”Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Shirkadda Korontadda Some-Power Axmed Maxamed(Axmed-Weyso).

“Waxeynu ognahey in Markii dalka lagu soo noqdey la sameeyay dab dhalin,oo meelo badan oo Caasimada Hargeysa kamid ah laga sameeyay Xarumo fara badan,oo aad u fara badan oo runtii dhib badan keenay hadey noqto Xagga badbaadadda iyo Xagga Ganacsiga intaba,waxa dhinaca Bariga laga soo bilaabey Shirkad KAAH la odhan jirey,oo rutii ahaa Tobanneeyo Mushiin oo gooni gooni ahaa,kadibna Waxaanu ku xigsiiney oo noo suurta gashey dhinaca Koonfurta waxaa iyadduna suurta gashey in laba sano ka hor Waqooyiga Magaaladuna kusoo biro oo ay Shirkad kaliya noqoto,ujeeddada Sodonka iyo dheeraadkaa Shirkadod loo sameyanyey ay aheyd in la helo Shirkadd dab-dhalineedd oo aad u mihiim oo waxna iibsan karta Waddankana Wax ka badeli karta mana jirto cid gaar ah oo loo xidhey”Sidaana Waxa yidhi Cismaan Kaahin oo kamid ah Xubnaha Gudida Sare ee Shirkadda Some-Power

“Cidd aannu ka leenahey majirto,waa dalka oo dhan koley ciduunbaa bilawdda cidii wax nagga tareysana diyaarbaanu u nahhey boqlkiiba 85% ayaanu shidnaa Magaalada”Sidaana waxa yidhi Axmed Bulbul oo kamid ah Gudida Sare.

Waxa kale oo iyagguna ka Hadley Eng Cabdi Cali Barkhad oo isagu sheegay in Shirkadaha Midawga ka hadhey ay Mustaqbal ahaan fiican tahey in ay kusoo biiraan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS