BALIGUBADLE MEDIA
Somaliya Iyo Pakistan oo Markii Ugu Horaysay Heshiisyo Cusub Kala Saxeexday
March 30, 2018 - Written by admin

Labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa ka shalay oo khamiis ahayd ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

pakistan and somalia
Kullan caasimadda Pakistaan ee Islamabad ku dhex maray la taliyaha arrimaha siyaasadda dibedda ee madaxweynaha Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, iyo la taliyaha dhinaca ammaanka dalka Pakistaan Gen; Nasser Khan Janjua, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo adkayn lahaa xiriirka qotada dheer ee labada Waddan.
Gen, Nasser Khan Janjua, oo kullankaas ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay waddan leh fursado wanaagsan oo qani ah, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhinacyo badan oo mudan in laga faa’iideysto.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ballaadhinta iskaashiga labada waddan, gaar ahaan Ganacsiga, horumarinta kheyraadka, Difaaca iyo sugidda ammaanka, iyagoo si isku mid ah u ballanqaaday in ay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan qodobbada lagu heshiiyay.

Danjiraha Somaaliya u joogta Dalka Pakistaan, Amb; Khadija Mohammad Al-Makhdoomi, oo kullanka qayb ka ahayd ayaa soo dhoweysay iskaaashiga iyo heshiiskan taariikhiga ah ee dhex maray labada dhinac, waxayna sheegtay inay Pakistan leedahay awood weyn oo wax looga qabto arrimaha amniga guddaha, iyadoo ay Soomaaliyana dooneyso inay wax ka barato khibraddeeda.

Isha Ku Hay Baligubadlenedia

COMMENTS