BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland Waxay Dunida Ka Ciyaartey Doorkii Ay Soomaaliya Gabtey. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
March 23, 2018 - Written by admin

Dawdalada  curdinka  ah  ama  Iftiinka  Geeska-afrika  ka  dhex  widh-widhaya  ee  Somaliland  ayaa  waxay  hore  u  qaadey  talaabooyin  muhiima  kuwaasi  oo  ku  aadan  dhinacyada  Xidhiidhka  Caalamiga  ah,  Maal-gashiga,  Maareynta  Dhaqaale  Wax  ka  Ool  ah,  Siyaasada  Amuuraha  Dibbada  Iyo  Arimaha  La  Xidhiidha  Ciidamada  Amaanka,  Hadaba  doorkan  ay  Somaliland  jaaniska  u  heshay  mudo  yar  gudahood  kasbashada  in  badan  oo  quluubta  caalamka  ah  ayaa  salka  ku  haya  cidhiidhsiga  booska  Soomaaliya  ay  gabtey.

Inkastoo  aaney  wali  beesha  caalamku  ku  soo  eegin  dalkan  Somaliland  indho  naxariis  leh  dhinaca  xaqa  aqoonsi  ee  qarankan  Somaliland ,  Balse  ka dib  dadaalo  dheeraada  iyo  baadi-goob  sidii  looga  muuqan  lahaa  dunida  ayaa  waxa  si  goon-gooniya  u  kala  galey  dhamaan  Hogaamadii  ama  Xukuumadihii  soo  marey  jamhuuriyada  Somaliland, Yadoo  aakhirkii  lagu  guulaystey  sidii  uu  wadankani  Caalamka  ula  yeelan  lahaa  xidhiidho  saaxiibtinimo, Nasiib  wanaag  wakhtigaa  keenay  arinkaasi  oo  waa  tan  miiska  saaran.

Duwelka  caalamka  hogaamiya  iyo  umadahoodu  dunidan  waxay  ku  kala  xigtaystaan  danno  caalamiya ,  Sida  xulafaysi  siyaasiya,  sal-dhigyo  milatari,  macdano  ama  agab  caydhiin, shidaal  iyo  saliido,  Intaasaa  ugu  door  mudan  xulashada  wadanka  kula  rafiiq  noqonaya  waa  qodobada  uu  kugu  xulanayo,  Waxay  nasiib  wanaageeda  noqotay   oo  ku  heshay  Somaliland  maantana  waxa  ugu  wacan  in  loo  joogsado  ama  danno  laga  yeeshaa  xiligani,  Sidoo  kale  waxay  hagaajineysaa   hanaanka  ama   hilinka  loo  marayo  dunida  inteeda  kale  markaad  hesho  saaxiibo  caalamiya  oo  kuu  dhago  nugul.

Bacda  arer  waxaan  u  gudo-gali  sida  ay  Somaliland  ku  hanatey  booskii  ay  Soomaaliya  ka  ciyaari  lahayd  dunida  ama  mandaqadan  Geeska-afrika  oo  dhawaan  loo  saadaalinayo  inuu  u  soo  wareego  iskaga  gooshka  ganacsiga  wadamada  khaliijka  ee  dhinacyada  Eeshiya  iyo  Ameerikada  Koonfureed,  Dariiqa  ugu  haboonaa  ee  Danaystayaasha  Caalamku  ama  beesha  caalamka  qolada  loogu  yeedhaa  ay  Geeska-afrika  ka  soo  galayaana  waa  Marsada  Caalamiga  ah  ee  ber-bera,  Waa  kooxdii  adkaata  xulafooyinkoodan  isu  haysta  dawga  muhiimkee  mandaqada.

Dawlada  koonfurta  soomaaliya  waxay  seegtay  xulafada  ugu  muhiimsan  xulafooyinkan   sidaa  darteed  waxa  halkaa  jaanis  iyo  faa,iido  ka  helay,  Somaliland  oo  yadu  soo  dhaweysay  badeediina  ama   marinkiina  maal-gashi  ahaan  uga  faa,iideysatey ,  Walibana  talaabadaasi  hore  u  sii  qaadi  doonta  waxaaney  noqon  doonaan  dawlada  Imaaraadka  Carabtu  halka  ay  Somaliland  ka  gasho  Caalamka  intiisa  kale.

Waa   Doorkee  Ka  Ay   Soomaaliya  Gabtey  DHinaca  Mandaqada  Geeska-afrika?????????????????

Doorka   ugu  qaalisanaa  ee  ay  dawlada  federaalka  Soomaaliya  gabtey  mandaqada  Geeska-afrika  waa  kii  dubloomaasiyadeed  ama  kii  xasilooni  ahaaneed, Waayo  dawlada  Soomaaliya  waxay  ku  jirtey  mudo  dhan  Ilaa  Iyo  Dhawriyo  Sodon  sanadood  colaado  sokeeye  ama  amin-daro balaadhan,  Arinkaasina  waxa  uu  wiiqay  kalsoonidii  dunidu  ku  qabi  lahayd  Soomaaliya  balse  waxa  kaliya  ee  Caalamku  siiyey  Koonfurta  Soomaaliya  waa  Aqoonsi  iyo  ka  mid  ahaanshaha  dunida  quruskeeda.

SHardiga  kale  ee  seegay  Soomaaliya  waxa  ka  mid  ah  Awoodaha  is-haysata   iyo  quwadihii  oo  ay  kala  raacdey  yadoo  raacdey  dhinacii  aan  saameynta  ku  lahayn  Geeska-afrika  oo  dhinaca  khaliijka  haba  yaraatee  ka  laangadhaynaysa  marka  laga  tago  Qater,  Dawlada  Soomaaliya   oo  aad  ugu  rajo  weyn  in  ay  saaxiibo  dhaw  noqdaan  Turkishka  oo  ah  calaamad  la  safan  groupyada  kale  ee  ka  soo  hor-jeeda  Imaaraadka  Carabta  Iyo  Mareykanka.

Waxa  yadna  qayb  ka  aheyd  in  ay  Soomaaliya  buuxin  weydo  shuruudihii  ku  xidhiidhey  dhinaca  ka  bixitaanka  Musuqa,  waayo  waxaa  ragaadiyey  dawladan  Soomaaliya  muqus-maasuq  baahsan  kaasi  oo  la  ay  soo  bandhigeen  (Reports  Of  Un  Monitering  and  Evaluationku),  Iney  dawladani  xaga  hore  kaga  jirto  wadamada  dunida  kuwa  ugu  madaw  ee  wax  kastoo  soo  gaadhaa  aaney  fulin.

Soomaliya  yadoo  ka  fakiraysa  sidii  ay  Somaliland  ula daggi  lahayd  waxay  sameysatey  saaxiibo  ay  ka  dhaadhicisey  in  aaney  jirin   wax  qadiyada  oo  Somaliland  la  xidhiidhaa  ama  xuquuq  gooni-isu-taag  oo  ay  leedahay,  Waayo  waxay  ilaashanaysay  Qaterta  danaynaysa  saldhig  Ber-bera  ay ka  hesho  wehelkeeda  Turkishkana  ay  oo  dajiso  Soomaaliya  si  ay  uga  wada  fushadaan  danahooda  mandaqada  ee  muhiimka  u  ahaa.

Qalinka:  C/raxmaan    Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS