BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Shaaca Ka Qaaday Wasaarado Ay Shaqadoodii Maroorsatay Dalladda SONSAF oo Ku Dhex Milantay Xukuumadda.
March 9, 2018 - Written by admin

Siyaasi Cabdilaahi Axmed ” Daamur” oo kamid ah siyaasiinta Xisbi Mucaaradka WADDANI, ayaa sheegay in dalada lagu magacaabo SONSAF oo ah mid aan dowli ahayn ay ku milantay siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo,isagoo sheegay inay SONSAF maroorsaday shaqooyinkii wasaaraddaha qaarkood.

sonsaf

Siyaasi Cabdilaahi Daamur,ayaa sidaasi sheegay maruu shalay uu war-baahinta kula haddley gudaha magaalada Hargeysa waxaana kamid ahaa haddaladiisii kuwan:-”NGO-ga la yidhaah SOSAF oo gardaadinaya wsaaraddo dhawr ah,oo iyagu tahli kariwaayey inay qabtaan shaqadoodii gaarka ahayd, SONSAF wasaaraddii golahayaasha iyo distuurkan iyada ayaa gardaadinaysa,waa xaalad inagu cusub, waxaana halkaa ka muuqata in hay’adda dowlada ee la rabbay inay iskood u bandhigaan ama u keenaan hawlaha qaranka ee laga sugayey inay garabsanayaan NGO-ga SONSAF oo ku milan xukuumadda…” Ayuu yidhi Cabdilaahi Daamur

Dhanka kalena Siyaasi Cabdilaahi Axmed Daamur, ayaa sheegay inay daladanu markii hore ahay mid aan mid dowli ah, balse hadda ay noqotay mid ku milantay Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo.”’SONSAF waad ogtihiin waa urur aan dowli ahayn ayuu ahaa lakiin iminka waxaad moodaa inuu dowlada aad ugu maranyahay,doorashadiina wuxuu ka galay aad ogaydeen.

Ugu Dambayntii Siyaasigan ayaa ugu baaqau Dalada SONSAF inay ka dhex-baxdo xukuumadda, isla markaana ay ku foofto shaqooyinkeedii gaarka ahaa..”NOG-gaa waxaan odhan lahaa ku dhex milanka xukuumadda waa lagu dhammee oo shaqadaadii ma ahayn howlahaa ku mashquul.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS