BALIGUBADLE MEDIA
SHAQAALAHA ICAO EE SAWAAXILIGA AH EE YIMAADA TOWERKA HARGEYSA OO AY CADAATAY INAY FIDIYAAN DIINTA KIRISTANKA.
March 30, 2018 - Written by admin

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah kana mid noqday shaqaalaha madaarka Hargeysa sanadii 2012 ilaa hadana ka shaqeeya doonayna inaan halakan magacayga ku sheego waxaan halkan kusoo gudbinayaa dhacdo ka dhacday madaarka Hargeysa badhtamihii 2016 taasoo mid ka mid ahaa shaqaalaha Dabdemiska (RFF) ee Hargeysa uu ka baxay diinta islaamka ICAOna ay usoo diray diyaarad loona qaaday magaalada Nayroobi  ninkaa  oo lagu magacaabo Faysal Jaamac waxa muddo dheer diinta masiixiga baraayay nimanka sawaaxiliga ah ee yimaada towerka Hargeysa, nimankaas oo is bedebedela mid walibana ku sugnaado towerka ilaa 50 cisho.
Aniga waxaanu Faysal isku baranay eriboodka Hargeysa 2012, hadaba markii 2016 kii la ii sheegay inuu ka baxay diinta islaamka warqadna uu u qoray ICAO sababtaa awgeedna ICAO ugu qaaday Nayroobi waan rumaysan waayay, dabogal dheer oo aan galay ka dib ugu dambayntii waxa  gacantayda soo gashay warqada halkan ku lifaaqan ee uu u qoray xafiiska ICAO ee Nayroobi, oo ay ku qoran tahay in mar hore la xidhay lana geeyay maxkamad oo ay maxkamadu waydiisay ma kiristan ayaad tahay? isaguna uu ugu jawaabay Haa, haddana uu xaakimki ku yidhi ka noqo diinta kiristanka ha lagu sii daayee, isaguna uu ugu jawaabay oo uu yidhi Maya ma samayn karo kamana noqonayo, waxaan ka door bidayaa dhimasho, maxkamaduna ay gaadhay go,aan odhanaya in todoba bilood ka dib la dili doono ama uu xabsiga ku daa’imi doono, ka dibna la geeyay Cilaaj oo uu bilihii u dambeeyay ku xidhnaa. waxa kale oo warqada ku qoran in mar labaadka la gaynayo maxkamada ay tahay bisha July ama August lagana yaabo in la dilo sababtuna ay tahay ayuu yidhi weligay ma yeelayo waxa ay doonayaan oo  uu uga jeedo inaanu manaba diinta uu qaatay ka noqon doonin. ninkaa degdeg ayaa loogu qaaday Nairobi waana la dalacsiiyay oo waxa lagu daray maamulka sare ee ICAO (Nairobi). Waxa halkan ku lifaaqan warqada oo 2 bog ah.

Sida la ii xaqiijiyay waxa warqadaa si farshaxanimo ah ula qoray oo la toostoosiyay nin sawaxili ah oo wakhtigaa joogay towerka lana yidhaahdo UJAMI una diray Nairobi oo xataa aan mar qudha telefoonka dhigin daqiiqad daqiiqadna ila hadlayay xafiiska ICAO ee Nairobi isagoo codsanayay in la badbaadiyo Faysal degdegna loo qaado.

Shaqaalaha ka shaqeeya eribodka Hargeysa iyo Faysal ehelkiisuba way ogyihiin arrinkaa aan soo bandhigay waana xaqiiq dhacday weriyeyaashuna way waraysi tegi karaan.

Nimankaa sawaaxiliga ah ee towerkeena yimaadaa waa 5 nin oo la kal yidhaahdo UJAMI, KINGANAHI, NOBEL, FRANSIS iyo KEEKEE.
Sanadii 2005 waxa sawaaxiligaa  laga mamnuucay Puntland ( Bosaaso tower) ka dib markii la ogaaday inay diinta masiixiga fidiyaan waana la masaafuriyay ninkii markaa Bosaaso joogay tegitaankoodii Puntand na waa laga mamnuucay, lagasoo bilaabo 2005 tiina waxa ay ICAO towerka Bosaaso Supervisor uga dhigaan mid ka mid ah  shaqaalaha u dhashay Puntland.
Waxa kaloo jirta oo run ah in nimamnkaa sawaaxiliga ahi aanay tegin oo loo diiday inay ka shaqeeyan towerka Xamar tan iyo markii la furay oo ahayd 2013 waxana Supervisors ka noqda shaqaalaha ICAO ee Somaalida ah.

Towerka Xamar iyo ka Bosaaso ma tagaan oo waa loo diiday sida aan kor ku sheegay waxa hadaba iswaydiin leh sababta ay nimankaasi weli u yimaadaan Hargeysa waxaanse u malaynayaa maqal mooyaane inaanay madaxda Somaliland ee duulista hawadu arkin warqadan markhaatiga cad ah, misana wakhti xaadirkan waxay ICAO la safatay Somaliya hawadeenina waxay geedi u tahay Xamar bilaha soo socda ee sannadkan 2018  waxaanan rajaynayaa in ay madaxdeenu maanta ka fal celin doonaan falkaa foosha xun iyo hawadeena la gaynayo Xamar.
Waa hubaal inaanay jirin baahi ay Somaliland u qabto inay nimankaas ICAO sawaaxiligoodu yimaadaan dalkeena waayo 2008 markii mudane Cali Warancade oo ahaa wasiirkii duulista hawada ee Somaliland (dawladii Riyaale) uu dalka ka saaray ICAO wax ay Somaliland u noqotay may jirin madaaraduna si caadi ah ayay u shaqaynayeen ICAO iyaga ayaa baryootamayay mudo sanad ah Waxaana maanta haboon in aanay dalkeena imanin nimankaasi ka hada Hargeysa joogana degdeg loo masaafuriyo madaama ay ku kaceen wax kasoo horjeeda dhaqankeena wanaagsan iyo diinteena suubban cadaynteediina la hayo, misana ay dhawaan hawadeenii gaynayaan Xamar.

COMMENTS