BALIGUBADLE MEDIA
Sanadkan Soomaaliland Muuqatay Ama Muquuratay W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
March 19, 2018 - Written by admin

Hordhac: Qormadan halku dhigeedu yahay “Sanadkan Soomaaliland muuqatay ama muquuratay”, waxaan kaga hadli doonaa wajiyadda kala duwan ee Qarankan kusoo fool leh isla markaana aynu imaka arkayno saansaanta baaxaa-deg iyo hadal haynta arimo si toos ah u taabanaaya jiritaanka iyo horummarka Soomaaliland ee maanta, wejiyadaas kala duwan waxaa kamd ah oo aan kasoo qaadanayaa

1.     Cuna qabateynta maamulka Muqdisho u qorsheynayaan Soomaaliland.

2.     Hawada Soomaaliland maanta muqdisho laga maamulo.

3.     Heshiiska Soomaaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee maal-gashiga Dekeda Berbera.

4.     Safarkii Madaxweynaha ee dalka Imaaraadka.

5.     Hadal haynta Soomaaliland ee warbaahinta caalamka oo sii badanaaya.

6.     Muuqasho iyo muquurasho midkee.

Afeef: Iyadda oo aan qofna ka warami karin ama wax ka sheegi karin waxa soosocda iyo mustaqbalka midna, misna waxaa jira in lugu kala fikrado duwanyahay oo qof kastaa uu si uun u maleysanaayo in ay wax noqon doonaan, sidaas darteed qormadani waxay ka turjumaysaa sidda aniga ila tahay, waana mid ku kooban fikirkayga oo keliya.

Hadii aan hoos ugu daadego qormadan, aan usoo qaato mid mid isla markaana aynu hoos ugu daadegno sida xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahi tahay.

1.Cuna qabateynta maamulka Muqdiho u qorsheynayaan Soomaaliland: Tan iyo maalintii Soomaaliland gacanta walaaltinimo u fidisay Soomaaliya ee 1960kii, waxaa si qarsoon iyo si badheedh ahba usoo shaac baxaayey go’odoominta iyo cuna qabateynta maamulka Muqdisho ku hayaan shacabka Soomaaliland iyo jiritaankoodaba, waxa uu ahaa Siyaad bare kii ku amaray in Hargeysa ama magaalo Soomaliland ka tirsan aan laga dhisin dhisme ka badan hal dabaq, dagaalo iyo xasuuq baahsan kadib markii Soomaaliland ka itaal roonaatay keligii taliyihii wakhtigaas maamulaayey Soomaaliya, ilaa maanta maamul kasta oo ka sameysma Muqdisho waxa uu Soomaaliland u diidanyahay in ay qaado hal talaabo oo horumar ah, ilaa maamulkan ugu dambeeya oo go’aan ku gaadhey in haba yaraatee wax maalgashi ah Soomaaliland lala-yeelan karin, aduun weynahana waraaqo ogeysiis ah u qaybiyey.

2. Hawada Soomaaliland maanta muqdisho laga maamulo: Iyadda oo ay jireen qorshayaal iyo waddo-hadalo xukumada Soomaaliland iyo Soomaliya ka lahaayeen habka maamulka hawad, ayaa dhawaan waxay si badheedh cad ah Maamulka Federalka Farmaajo kula wareegeen maamulida hawada Soomaaliland, in kastoo ay tahay uun sheegasho hadan waa cuna-qabateymaha ugu waaweyn ee sanadkan ay ku kaceen Maamulka Muqdisho.

3. Heshiiska Soomaaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee maal-gashiga Dekeda Berbera: Inkastoo arinta maal-gashiga dekeda Berbera ee DP-World iyo saldhiga dawlada Imaraadku ka hirgelinayso isla Berbera ay bilowdeen dhamaadkii sanadkii hore iyo xukumadii madaxweyne Ahmed Siilaanyo, misna waa mid sanadkan si cad u hirgalay, iyada oo heshiiskaasi si rasmi ah uu uga qabsoomay magaalada Dubai. Maalgashiga dekeda Berbera ee Dp-world iyo dawlada Imaraadka ayaa ahayd fursad inbadan ay naawilayeen misna ay sugayeen oo ku riyoon jireen inta badan shacabka Soomaaliland, kaas oo Soomaaliland uga dhigan horumar iyo ilo-dhaqaale. Waxtarka iyo horumarka ka dambeeya maalgashiga Berbera gaar ahaan Shirkada DP-World waxaan kaga hadlay oo aad ka akhriyi kartaa iyadda oo faahfaasan qormo aan hore usoo daabacay oo hal-kudhigeedu ahaa “DP-World waa fursad aan laga war-qabin”, maalgashiga saldhiga ciidanka ee Imaraadku ka hirgelinaayo Soomaaliland waxaad ka akhriyi kartaa qormo hore aan usoo daabacay ooh al-kudhigeedu ahaa “DP-World kadib fursad kale oo Imaaradku siiyey JSL”, labadaas qormo waxaad ka heli kartaa Internet-ka.

4. Safarkii Madaxweynaha ee dalka Imaaraadka: Maalmihii ugu dambeeyey todobaadkii aynu kasoo gudbnay waxa safar meeqaam sareeya loo sameeyey ugu baxay dalka Imaaraadka carabta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Safarka madaxweynaha ee wakhtigani waxay farxad gelisay qof kasta oo muwaadin ah, waayo waa safar yimi wakhti loo baahnaa, Madaxweynuhu waxa uu Madaxda dawlada Imaaraadka kala hadlay maalgashiyo aad u waaweyn oo ay gar wadeeno u yihiin ka DP-World iyo saldhiga milateri ee Imaraadku ka qorsheynaayo in uu ka hirgeliyo Berbera. Booqashadani waxay dardar gelin iyo guubaabo u tahay sidii maalgashiyadaasi u hirgeli lahaayeen una bilaami lahaayeen sida ugu dakhsaha badan, Hadab su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay, Muxuu safarka madaxweynuhu kaga duwan yahay kuwii hore ugu bixi jireen madaxweynayaashii Somaliland soo maray?, ugu horeyn safarkan madaxweynuhu waxa uu kusoo beegamay wakhti isgaashaan buuraysi iyo is xulafaysi uu ka dhexeeyo wadamada geeska afrika iyo bariga dhexe, Safarkani waxa uu soo dedejinayaa in Soomaaliland hesho garab xoogan oo ay ku tiirsantahay, sidoo kale waxa uu soo dedejinayaa aqoonsi ay Soomaaliland ka hesho caalamka, Aqoonsiga baasaaboorka Soomaaliland ee dalka Imaaraadku ugu bushaareeyey Soomaaliland waxay tahay guusha safarkan ee Qaranku uu ka dhaxlay oo maantaba aynu midhihiisii helayno.

5. Hadal haynta Soomaaliland ee warbaahinta caalamka oo sii badanaaya: Maalmihii ugu dambeeyey waxa si weyn warbaahinta Caalamku faalooyin uga bixinaysey Soomaaliland, inkasta oo faalooyinkaasi la xidhiidheen maalgashiga Berbera, sidaas darteed waxaa aniga iyo qof kasta oo muwadin ahi ku farxayaa marka uu maqlo warbaahin caalamiya oo magaca Soomaaliland , halka ay ku taalo, calankeeda iyo muuqaalkeedaba  ka faaloonaaya, tani waxay sahlaysaa in si fudud dhegaha caalamka ugu faafto Soomaaliland taasina waa mid inoogu filan aqoonsi iyo maal-gashi labadaba.

6. Muuqasho iyo muquurasho midkee: Gebo-gebadii sanadkani waxa uu Soomaaliland u noqonayaa mid ay ku talaabsato horumar iyo guulo waaweyn oo dhanka siyaasada arimaha dibadda, waxay Soomaaliland heli doontaa garab iyo gaashaan xoogan oo ku tiirsato, waxayna ka muuqan doontaa faceeda muquurashada la jecel ee Muqdisho, waxaanan qormadan oo faahfaahsan kaga hadli doonaa qormada tan xigi doonta insha allah.

Wabilahi tawfiiq.

Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Qoraa / Saxafi madax banaan

E-mail: [email protected]

www.wiyeeryare.blogspot.com

www.twitter.com/wiyeeryare

www.facebook.com/wiyeeer

Hargeysa -Somaliland

COMMENTS