BALIGUBADLE MEDIA
Nin ku yidhi sinaan mayno adna diid sareyntiisa Q1 AAD Qalinkii Cabdi Caawiye
March 14, 2018 - Written by admin

Waxaa hubaal iyo marag madoonto ah wixii wadankan kazoo dhacay ee dil lahaa, ee dumin
lahaa , ee awood ku muquunin lahaa, ee kufsi ahaa, ee tacadi lahaa, oo ay ragii gaystay maanta
nool yihiin una soo bu,ayaan JAMHUURIYADA BARAKAYSAN EE SOMALILAND iyagoo ina leh
walaalahayo malaha walaalnimada ayeynu laba macne u kala naqaanaaye.
Bal hada u fiirso dulmiga ay rabaan iyo sida ay u rabaan in mar kale iyadoo la kala tagay in
dadka REER SOMALILAND ayna talaabo horumara u qaadin una rabaan inay baabiiyaan
nidaamkaa dawladnimo ee nabada iyo wanaaga ku nool tusaale
SH.SHARIIF
XASAN SH. MAXAMUD
FARMAAJO
IYO XASAN CALI KHAYRABA
Waxay qalinka ku duugeen in dawlada EITHIOPIA ay ciidamadeeda keento saldhigyo waaweyna
ka samaysato dhulka DAWALADA AAN ISKEED ISKU MAAMULI KARIN EE SOMALIA una soo
galaan xiliga ay doonaan kana soo galaan goobta ay doonaan.iyadoo sidaasa ayaa SOMALILAND
waxay maalgashi la gashay dawalada UAE oo ay saami maalgashiga iyo wax soo dajintana ka
siisey dawlada ETHIOPIA markii dawladii AAN ISKEED ISKU MAAMULI KARIN EE SOMALIA ay
ogaatay taasi waxay bilowda in sida fiinta looga ooyo oo ay hadalo diciifa iyo waraaqo aan
shaqaynayn u gudbiyaan JAAMACADA CARABTA oo aan iyaduna tamar ahaanba dhaamin
Somalia.
Haddaba iyadoo sidaasa waxaa suaashu tahay Somalia maxay u aqbali ladahay maalgashiga
Somaliland?
Waxaa hubaala in aanay doonayn in Somaliland ay talaabo horumara qaado.
Mana rabto in ay wax noqoto sidaa si la mida dadka reer Somaliland waxay iyaga iyo
dawladooduba lee yihiin ‘’ Nin ku yidhi sinaan mayno adna diid sareyntiisa’’.
Lasoco ……..

COMMENTS