BALIGUBADLE MEDIA
MUCAARADKA, BAARLAMAANKA, XUKUUMADDA IYO SHACABKA SOMALILAND – ISKU-DUUBNI WAA INAY KU DAAFACAAN JIRITAANKOODA AY SOO WEERARTAY SOMALIA. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER)
March 14, 2018 - Written by editor

WAXA HUBAAL AH IN MURANKA SIYAASADEED EE DHEXDEENNU UU QAYB
LIBAAX KA YAHAY GEFKA IYO GARDARROOYINKA KA SOO KORDHAYA
SOMALIA, KUWAASOO 27 SANNADOOD KA DIB, KU SOO DHIIRRADAY INAY
AMMARRO IYO SHARCIYO SOO SAARAAN LAGU MAAMULAYO
AIRPORTYADEENNA, DEKEDEHEENNA IYO GUUD AHAANBA DALKEENNA
SOMALILAND. WAA SHARCIYO IYAGU DEKEDOHOODA IYO DHULKOODA AY
BIXIYEEN, INTIISA BADANINA AANAY GACANBA UGU JIRIN, AANAY HORE
WELIGOOD UGA SOO SAARIN.
SOMALIA, OO XATAA MAGACII AYNU BERI WADA LAHAAN JIRNEY
BEDDESHAY EE (Somali Republic), LEHNA BAARLAMAAN IYO XUKUUMAD
DAD TIRO YARI LACAG KU KALA IIBSADEEN – GURI DHEXDIISNA LAGU
MAGACAABAY, OO WELIBA AAN MAAMULI KARIN 4 KILO METER OO
DHULKOODA AH, AYAA IYAGOO WAX KAMA JIRAAN KA DHIGAYA
XUKUUMADEENNA, GOLAYAASHEENNII, IYO SHURUUCDEENNII 27KA
SANADOOD ISKU XUKUMAYNAY, IYO DOORASHOOYINKEENNII CODKA
SHACABKA KU SALAYSNAA – AYAA MARKII U HORRAYSAY ILLAA IYO INTII
S/LAND DIB ULA SOO NOQOTAY MADAX-BANNAANIDEEDA KU DHAWAAQAY
AMARRO IYO SHARCIYO AY SHEEGANAYAAN IN LAGU MAAMULI DOONO
S/LAND.
WAXA YAAB IYO AMANKAAG AH, IN SOMALIA DHIB KASTOO DALKOODA IYO
DADKOODA HAYSTABA AY KAGA MASHQUULAAN CADAAWAD, NACAYB IYO
FIDNO AY KA GEYSTAAN SOMALILAND – OO IYADU AAN MARNABA GEF IYO
GARDARROTOONA AAN U QUUDHIN SOMALIA,
WAXANA IYANA HUBAAL AH, IN NACAYBKAAS OO AWALBA LA ISKA OGAA,
LAKIIN HUURSANAA – UU MAANTA SOO IF BAXAY, KA DIB MARKII AY AAD U
DHIIRRI-GELISAY MUCARADADDA XADHKA GOYSKA AH EE DAD BADAN OO

REER SOMALILAND IHI, SI JOOGTA AH IYO SI DAMIIR LA’AAN AH, ULA
TAAGAN YIHIIN WARBAAHINTA CAALAMKA IYO MAREEGAHA BULSHADA
IYAGOO WAX KALA TABANAYA. KHILAAFAADKAA HOOSE EE QARANIMADA
TAABANAYA, AYAY TAHAY IN SI DEGDEG AH LOO JOOJIYO – OO LAGU SOO
AFJARO MUCAARADAD TOOSIN MOOYEE AAN QARAN-LIIDIS
XAMBAARSANYN – CADAWGANA FURSAD KU CASUMAYNIN.
XUKUUMADDA SOMALILANDNA WAXANU UGU BAAQAYNNAA IN AAN LA
DHAYALSAN TABASHADA DADKEEDA, IYO IN WADA-HADALKA SOMALIA
AANU MUDNAYN WAQTI LAGU LUMIYO, MAADAAMA OO DADKA
HORMUUDKA KA AH SOMALIYADA MAANTU, AY YIHIIN DAD AAN RUNTA
WAAJIHI KARIN, SIYAASADDANA U YAQAANNA BEEN IYO DAFIRAAD – ISLA
MARKAANA KHGALADKA IYO SAXU UU ISUGU MID YAHAY. SIDAA DARTEED
WADA-HADALADAA MADHALAYSKA AH, WAA IN LA LAALO – ILLAA IYO INTA
ISBEDDEL CAQLI GAL AH AMA FIKIR CUSUB LAGA ARKAYO SOMALIA.
SOMALILANDNA WAXA LA GUDBOON, INAY SI CAD OO ISKU-DUUBNI AH -
MUCAARAD, MUXAAFID, GOLAYAAL-SHACAB IYO XUKUUMADBA UGU QUUS
GOOYAAN GARDARRDA IYO GEFKA SOMALIA EE ISA SOO TARAYA,
KUWAASOO MARKALE SOO NOOLEEYEY XUSUUSTA DHACDOOYINKII
QADHADHAA EE SIDDEETANAADKII (1980s) KA DHACAY SOMALILAND.
Wa Billahi Tawfiiq
Rasheed Ali Meigag Samater
Hoggaamiyaha Jaaliyadda W. London

COMMENTS