BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Dhalinyarada Ah Ee Hogaanada Ciidanka Milatariga
March 27, 2018 - Written by admin

-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahia Farmaajo ayaa kulan la qaatay saraakiisha dhalinyarada ah ee u magacaabay hogaanada ciidanka milatariga.

armil

Madaxweyne Farmaajo oo labadii todobaad ee hore ku shaqaynayey xarunta wasaarada gaashaandhiga isla markaana dib u habayn ku sameeyey hogaanada ciidamada milatariga oo uu ku soo daray saraakiil dhalinyaro ah.

Kulanka uu madaxweyne Farmaajo la qaatay saraakiisha dhalinyarada ah ee uu hogaanada u magacaabay isla markaana lagu soo tababaray dalka dibadiisa ayaa waxa goob joog ka ahaa wasiirka gashaandhiga iyo taliyah ciidanka milatariga.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay kartida iyo dadaalka Saraakiisha dhaliny arada, waxaana uu ku booriyay sidii loodardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa is bedel ku sameeyay hoggaanka talisyada ciidamada xoogga dalka oo ahaa illaa 22 hoggaan, waxaana uu ku soo koobay 13 hoggaan oo ay qeyb ka yihiin Saraakiisha dhalinyarada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS