BALIGUBADLE MEDIA
Madawayne Cabdiwali Gaas oo Meesha Ka Saaray Warar Sheegaya Inuu Muddo Kordhin Ku Samaysanayo Kursiga
March 8, 2018 - Written by admin

Iyada oo sanad wax ka yar ay naga xigto doorashooyinka madaxweynenimo ee dowlad goboleedka Puntland, ayuu madaxweyne Cabduwali Maxamed Cali Gaas waxa uu beeniyay inuu doonaya inuu ku kordhisto muddada xil-haynta.
cabdiweli gaas
Waxa uu marka koowaad ka jawaabay eedeymo dhawaanahan soo baxayay oo ahaa in madaxweynaha uu qorshaynayo in uu muddo korodhsi sameeyo, wuxuuna yidhi “Waxaan maqlayaa madaxweynahaa hal sanuu ku darsanayaa, labo sano ayuu ku darsanayaa, anigu awoodaas maba lihi, haddii qofka la siinayo in uu isku kordhiyo waa wax la yaab leh, waxaanse rabaa in aan dadka u sheego, doorasha Puntland si mug leh ayay waqtigeeda ku dhacaysaa, 8-da Jeeniwari, 2019-ka, sidii ay u dhici jirtay si ka fiican ayay u dhacaysaa”.

Madaxweyne Gaas oo waraysi siinayay BBC-da , ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha uu isaga shaqsi ahaan damacsanyahay marka la gaaro xiliga doorashada, wuxuuna yiri “Marka waqtigeeda la gaadho ayaan ka hadli doonaa, hadda shaqo kale ayaan ku jiraa, marka waqtigaas la gaadho ayaa sheegi doonaa meesha aan ka aadi doono iyo in aan kusii jiri doono shaqadan , in aan dhanka ganacsiga u leexan doono, iyo in aan waxbarashadii iyo macalinimadii aan ku laaban doono”.

Dhawaan ayuu Ciise Maxamuud Faarax (Dhoollowaa) oo ah afhayeen u hadlay koox siyaasiyiin ah oo madal samaystay oo BBC-da la hadlay uu sheegay in ay xukuumada Puntland ka dalbayaan in ay qabato waqtigii ay dhici lahayd doorashada. “Waxaan ognahay in dowladda Puntland aanay ku jirin wax qorshe iyo talo ah oo ku saabsan in doorashada la qabto xiligii loogu talogalay”, ayuu yidhi Dhoollowaa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS