BALIGUBADLE MEDIA
Kornayl Muuse Biixi ” Madaxwaynaha Somaliland Mise Madaxwaynaha Beeshiisa.
March 6, 2018 - Written by admin

madaxwaynihii la filayay inuu madaxwayne u noqdo dhamaan bulsho waynta somaliland ayuunbaa marqudha lagu warhelay isagoo aan madaxwayne u ahayn bulshadda somaliland balse ah madaxwayne beeleed hogaamiya beesha uu ka soo jeedo kadib markii dhaliilo loo jeediyay xukuumadiisa ay ka jawaabeen tobaneeyo siyaasi oo beeshiisa ah kuwaas oo si beelnimo ku dheehantahay u difaacay

muuse haaruun

beesha mr biixi oo inta badan siyaasiyiinteeda lagu tilmaamo qaar cunsuriyiin ah ayaa hadda bilaabay inay laabta u qaraacdaab beelaha kale ee somaliland iyaga oo ka difaacaya kornaylka ay ka dhigeen madaxwayne beeleedka ee kornayl muuse biixi

si kastaba ha ahaatee mudadii muuse biixi kursiga fadhiyay waxa dalka ka dhacday kala qabysanaan baahsan waxaanu dalku gabi ahaantii ku jiraa xaalad xun oo nidaamkii dawladnimadu meesha ka baxday islamarkaana kornaylka iyo siyaasiyiinta beeshiisu ay sharciga ka waynyihiinisku soo wada duuboo kalsoonida lagu qabi karo madaxwaynaha beeshiisa gacanta u galay ayaa ah mid aan la qiyaasi karin maadaama oo uu lumiyay doorkiisii madaxwaynenimo

Isha Ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS