BALIGUBADLE MEDIA
Koox Budhcad dhuleeda oo Ku Shaqaysanaysa Shaadh Dawladeed oo Ka Dilaacay Masalaha Hargeysa + Falalka ay Ku Kacayaan
March 6, 2018 - Written by editor

koox budhcadeed ku shaqaysanaysa shaadhka dawladda ayaa ka dilaacay xaafadda masalaha ee magaaladda hargeysa kuwaas oo dadka ku qabsanaya dhulkooda kadibna qofkii dhulka lahaa u adeegsanaya awood dawladeed iyagoo xabsiga dhigaya qofka dhulkiisa ay ku qabsadeen difaacda ee u bandhiga inay adyadda kala tagaan.

kooxda oo aanu xubno kamida magacyadooda ay noo xaqiijiyeen dadwaynaha xaafadu ayaa waxa kamida xildhibaan mubaarik cabdi malaw, iyo nin magaciisa lagu sheegay shiine idiris, iyo xubno kale oo ka kala tirsan ciidamadda booliska iyo milatariga  kuwaas oo ah kuwa awooda ciidan u adeegsanaya dadka dhulkooda la doonayo in laga qaado  anagoo isku taxaluujinayna inaanu soo gudbino magacyadda kooxdan budhcada ah oo dhamaystiran kuwaas oo iskugu jira wasiiro, xildhibaano, saraakil ciidan iwm.

breaking news

dhacdadan ayaa mudooyinkii u dambeeyay ay ka cabanayeen bulshadda deegaanka waxaanay arintii ugu dambaysay maanta ka dhacday masalaha hargeysa waxaana qorshahan ay soo maleegeen kooxdan budhcada ahi lagu xidhay nin kamida ragii dhulkooda oo sharciyaysan lagu qabsaday kaas oo seesanayay dhulkiisa islamarkaana ay  awood ciidan u adeegsadeen kuna xidheen mid kamida saldhigyada hargeysa

ninka la xidhay oo lagu magacaabo maxamed cali muuse ayaa ah qoyskii laga qaaday xarunta dabdamiska ee hargeysa islamarkaana dawladda hoose ee hargeysa dhul badalka ugu siisay dhul ku yaala masalaha hargeysa dhulkaas oo leh casayn iyo sharciyadba islamarkaana kooxdan budhacada ahi ee dhulka dadka ku mamtay maanta xabsiga dhigtay si ay dhulkooda xog iyo awod dawladeed ugaga qaado

si kastaba ha ahaatee xukuumadda somaliland ayaa looga fadhiyaa inay kooxdan budhcada ah talaabo adag ka qaato si aanay faraha uga bixin nabadgalyada caasimadu maadaama oo ay la sbiryimaadeen inay dadwaynaha xoog iyo shaadh dawladeed dhulkooda kaga qaadaan.

NB: Waxaanu si rasmiya u soo gudbin doonaa kudladan budhcada ah ee ka kooban wasiiro,xildhibaano, saraakiil ciidan iyo xubno kale kuwaas oo si booba u dhacaya dhulka dadka islamarkaana xoog iyo shaadh dawladeed adeegsanaya arintaas oo khatarteeda leh.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS