BALIGUBADLE MEDIA
KAALINTII AY HOOYADU KU LA HAYD NOLOSHII REER GUURAAGA IYO DHIBAATOOYINKII AY KA DHAXASHAY
March 14, 2018 - Written by editor

Labadii qormo ee hore waxaan kaga hadlay seddex ka mid ah caqabadihii ay haystay hooyooyinkii hore reer guuraaga ahaa, waxaanay kala ahaayeen  qodobka koobaad oo ahaa daryeel la’aantii caafimaad ee haysatay hooyooyinkii reer guuraaga ahaa . Qodobka labaad oo ahaa dhibaatadii  hooyooyinka ka qabsatay  hirgalinta iyo horumarinta Aqalka-soomaaliga. Qodobka seddexaad oo isna ahaa sidii ay hooyooyinku ugu dhibaatoon jireen markay reeruhu guurayaan. Qormadan maanta oo ah tii ugu danbaysay   waxaan kaga hadli doonaa haddii Alle idmo, qodobka afraad oo ah, tacadiyadii  ay hooyooyinku  kala kulmeen lamaanahii ay nolosha la wadaagayeen iyo qodobka shanaad oo ah sidii hooyooyinka  looga dayriyay taladii qaysaskooda.

4) gacan ka hadalka; dhibaatooyinkii haystay  hooyooyinkii  reer guuraaga ahaa waxa ka mid ahaa kuwa dhaqan oo ay kala kulmeen noloshii  baadiyaha ee ay qaybta ka ahaayeen, waxaana la odhan-karaa  waxa ugu wacnaa bulshada Soomaalida oo ka durugsanayd magaalooyinka iyo meelihii aqoontu taalay, islamrkaana aanay jirin maamul dowladeed oo bulshada xuquuqdeeda u ilaaliyaa. Waxa taa laga dhaxlay in hooyooyinku la kulmaan xadgudyo tiro  badan, oo  kaga imanayay raggii ay nolosha la wadaagayeen, ku waa soo ahaa niman ad-adag oo   aan u dhaga nuglayn ilaalinta xuquuqda hooyooyinka ay masuulka ka yihiin. Waxay taasi  horseeday in  deegaamada Soomaalida ku baahaan gaboodfalyo ka dhan ah, hooyooyinkii Soomaaliyeed ee marka horeba la daalaadhacaayay duruuftii iyo waayihii qadhaadhaa ee ku haystay dhulkii baadiyaha ahaa.

Sideedaba  haddii aadamuhu waayo maamul iyo sharci ay ku kala baxaan waxay isku-badalaan bahalo is cunaya oo  aanuu midna midka kale u aabo-yeelaynin,  waxaana halkaa ka dhasha   tacadiyo xanuun badan oo dhaawac ku ah xuquuqda insaanka. Sidaa soo kale wiilkii Soomaliyeed ee ku barbaaray meelihii aanay ka jirin  maamul iyo sharci  lagu kala hagmaa, islamarkaana aan lahayn aqoon iyo waayo-aragnimo u iftiimisa dariiqa  uu noloshiisa u marilahaa, waxa uu u xuubsiibtay in uu noqdo qof aan naxariis iyo damqasho midina aanay agtiisa oolin, cidkasta oo uu ka xoog roonaadana cagta mariya. Hadaba hooyadii oorida u noqotay ninkii caynkaa ahaa,  waxay kala kulantay talaabooyin qalbi-jab iyo niyad-xumaan ku beeray, waxaanay ku dhawaatay in ay noloshaba quus ka istaagto, sidoo kalena ay nafteeda haaraanto iyadoo  ka shalaayaysa  in ay oori u noqotay araxlaawe caadaystay ku tumashada xuquuqdeeda.

Hadaba xaaladaa murugada leh ee hooyooyinkii Soomaaliyeed ku haysatay dhulkii kaymaha ahaa, waxa sabab u ahaa wiilkii Soomaaliyeed ee ku  kaalin galay noloshii baadiyuhu  waligii muu arag iyadoo aabaha loo ciqaabayo  danbigii uu ka galay afadiisa, waxay taasi  ku dhiirisay in uu si joogta ah ugu tunto xuquuqda ooridiisa, maadaamo oo uu ogyahay in aanay cidina u ciqaabaynin dunuubta uu ka galo  afadiisa.

Waxa kaloo xanuunkeeda lahayd marka ay isa-seegaan lamaanaha nolosha wadaagayaa, islamaraana xaajadu ka taagtaaganto, hooyada  waxay  u ahayd maalin  madow oo soo martay nolosheeda, sababtoo ah waxa loo gaysan jirey  gaboodfalyo ka dhan ah xuquuqdeeda, maxaayeelay odayga reerku waxa uu ahaa mid la soo taagan  hangoolkii uu reerka ku oodi-jirey, kaa soo uu si axmaqnimo leh  ugu  dhibaatayn jirey ooridiisa, isaga oo hilmaansan in  uu yahay qofka ay dulsaaran tahay ilaalinta xuquuqda ooridiisu.  Waxa marar qaarkood dhaci-jirtey in ay hooyadu ku wayday qaybo ka mid ah laxaadkeeda ay irkanayso, islamarkaana ay noqoto qof naafo ah oo aan  ku beegsan akraynin howsha baaxada leh ee  taalay baadiyaha. Waxa kaloo iyana xanuunkeeda la hayd hooyadu may haysan cid ay uga dacwooto xadgudubyada ay tirsanayso iyo xuquuqdeeda sida joogtada ah loogu tumanayo, sababta oo ah wadcigii iyo waayaha ay ku noolayd uma arkaynin in Hooyada xaqeedii iyo xuquudeedii aasan tahay.

5) Talo maroorsigii aabaha; Sida uu inabarayo waayaha nololeed ee ka tisqaaday arlada guudkeedu, dadku Kama maarmaan nidaam maamul oo ay noloshooda ku maareeyaan, kaa soo ka bilaabma lamaane si wadajir ah u wadaagaya howlaha maamul ee qoyskooda. Waxa uu aabohu leeyahay doorka hogaamineed ee ugu mihiimsan howlaha maamul ee qoyskiisa, halka hooyaduna tahay qofka labaad ee ka caawiya hawlaha maalin laha ah ee horyaala qoyskooda. Sidoo kale haddii  aabaha taladu ka waydawdo ama  uu si waafiya u  hogaamin kariwaayo arimaha maamulka ee qoyskiisa, waxa isgarab-taagi-jirtey oo la maarayn jirtey hooyada reerka, iyadaana ahayd qofka labaad ee ka caawiya wixii caqabado ah ee la soo darsa saygeeda. Aabuhu’se marna ma soo dhawayn-jirin  in  ay hooyadau faraha la soo gasho arimaha maamul ee qoyskiisa, sababta oo ah aabuhu waxa uu  aaminsan yahay in hadii  uu qaato talada ooridiisa ay  ceeb ku tahay raganimadiisa, sidoo kalana ay dhaawacayso doorkiisa hogaamineed ee uu u igman yahay, taa saana sababtay in ay hooyooyinku ka go’doomaan taladii qoyskooda.  Sida ay taariikhdu xusayso aabayaashii hore ee ku barbaaray noloshii baadiyuhu may xaalaynin in ay talada wax ka siiyaan hooyooyinkii ay nolosha la wadaagayeen, waxaanay taasi horseeday in hooyooynkii laga laga dayriyay talada qoyskooda, islamarkaana loo diido in ay qaataan doorkii ay ku la haayeen arimaha maamul ee qoyskooda. Inkastoo ay jireen aabayaal fara kutiris ah oo iyagu u ogolaaday in ay talada   wax ka siiyaan ooriyihii ay qabeen, hadana ku waasi may ahayn ku matali Kara xaalada guud ee meesha taalay.

Sida ay inoosheegtay diinteena suuban, ama ay inoo iftiimisay waayo aragnimadii aynu ka dhaxalnay taariikhdii ay soo martay nolosha aadamuhu, waxa qudha ee guul lagu gaadhaa waa talada oo la wadaago, go’aamaduna noqdaan kuwo laga fiirsaday.

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa biyo kama dhibcaan ah in hooyooyinka loo diiday qaybtii ay talada ku la haayeen, si aan gabasho lahaynna aaboyaashu uga horjoogsadaan in hooyooyinku  talada la wadaagaan.

Sababta meesha taalayna waxay ahayd, bulshada Soomaaliyeed ee ku barbaartay dhulkii  magaalooyinka ka fogaa oo aaminsanaa in aan haweenku  wax talo ah  oo laga dugsado aanay la hayn. Ciddii  haween talo moodaana ay tahay  maangaab aan habeen loo hoyan.

Waxa  taa laga dhaxlay in ay hooyooyinku faro madhan ka joogsadaan taladii  qoysaskooda, oo haddii ay isku dayaan in ay talada wax ku yeeshaan cidiba ka hoos qaadi waydo, talo kasta oo ay soo jeediyaana ay noqoto hal bacaad lagu lisay.

Waxa mararka qaar dhici-jirtey in ay hooyadu ka talo fiicantahay  sayga ay nolosha la wadaagayso, islamarkaana  ay isku-daydo in ay talada la haaneedo, maadaama oo ay hubto in talo xumaanta saygeedu ay tahay  mid  aan iyada iyo qoyskeeda dhinacna u dhaafaynin. Waxay hooyadu go’aansan jirtey in ay dhexda u xidhato sidii ay  u sabato bixin lahayd qoyskeeda jarka ka sii dhacaya.

Waxa’se uu  saygeedu kaga jawaabi jirey in uu ganafka ku dhufto talo kasta oo ay soo jeediso afadiisu, sababtoo ah waxa uu u arkaa in  haddii ooridiisu soo faragaliso howlaha maamul ee qoyskiisa, ay la mid tahay iyadoo sharaftiisa iyo karaamadiisa meel lagaga dhacayo, sideedabana ay tahay faduul iyo gardaro cad  oo aan geed loogu soo gaban, taa soo ay ooridiisu ku inqilaabayso  boqortooyadii uu isagu amiirka ka ahaa. Hadaba marka ay hooyadu aragto in  qoyskii ay ku lafo-jabtay u burburayo talo xumaanta saygeeda, sidoo kalena aanay waxba  ka qaban karaynin talo xumaanta ku habsatay qoyskeeda,  waxay taasi ku abuuri jirtey xaalad  uurkutaalo iyo niyad-xumaan leh, waxaanay hiifi-jirtey nafteeda iyadoo ka murugoonaysa in ay nolosha kula mataanowday arinlaawe aan waligii taladiisa ku meel marin. Dhamaad. By Cumar Axmed Cali; [email protected]/0634244802.

COMMENTS