BALIGUBADLE MEDIA
Joojinta Adeega Zaad Waxay Noqon Doontaa Ka Dar oo Dibi Dhal
March 14, 2018 - Written by admin

Sida aynu ogsoonahay sanadadii ugu danabayey dhaqaalaha somaliland waxa uu ahaa mid aan
wanaasanayn kaasi oo sababay qiimo dhac balaadhan oo ku yimi shilinka somalilland. Qiimo
dhacan lacageed waxa u saamayn balaadhan ku yeeshay nolosha noocyadda kala duwan ee
bulshadda somaliland. Haddaba, si xal waara loogu helo Xukumadihii kala danbeeyay ee
somaliland, sidaasi waxay isku dayeen in ay xal u helaan qiima dhaca ku yimi shillinka
somaliland, waxanay marar badan soo saareen amaro kala duwan oo xal loogu raadinaayo qiima
dhaca shilinka somaliland sida:-
1. In la joojiyo lacaga mobilka layskugu diro waxna lagu kala iibsado wixii ka yar $100
2. In shirkaduhu ay joojiyaan sarifka lacagaha.
Haddaba, qodobadani xal waara ma u noqon karaan qiimo dhaca shillinka somaliland?
Jawaabta su’aashan hadii aynu hoos ugu gundo daa-dagno adeega Zaad waxa markii ugu
horaysay somaliland ee laga daah-furay sandkii 2009, in kastoo aanay somaliland ahayn
wadankii kowaad ee adeegani ka hirgalay hadana, hadana adeegani waxa uu noqday mid si xawli
ah u kor dhay isticmaalkiisu, bulshaddana ay ka heleen faa’idooyin aad u balaadhan oo ay ka
mid yihiin fudadynta ganacsiga, waxa uu qayb ka qaatay hoos u dhiga faqriga, waxa u dan yarta
u noqday ama siiyay fursad ay ku kaydsadaan lacagahooda, waxa kale oo uu si aad ah uga qayb
qaatay caawinta iyo taageeridda dadka dhibaataysan ee jooga meelaha baadiyaha ah sida
abaarahii dalka ka dhacay, waxa kale dalka u soo jiiday amaan iyo magac caalami ah.

Dhan kale, goamaddani waxay niyo jab ku ridayaan shirkaddaha maalgashaday dalka ee meel
aanay waxba jirin ka soo bilaabay, suurogaliyayna in aynu noqono wadamadda ugu horeeya
caalamka dhanka is gaadhsiinta iyo mobil lacagta.Sidaasi dateed’ iyagoo shirkadduhu mar walba
ka turjumaaya daboolis baahiyaha adeeg ee bulshadda reer somaliland, ayaa hadana waxay
aqbaleen in ay dhamaan joojiyaan qayb ka mid ah adeegyadii ay bulshadda u ahayeen sida lacag
dirista iyo ku iibsashadda, waxana badelka fulinta awaamiirtaasi shirkaduhu ay bulshadda u soo
kordhiyeen adeegyo cusub oo ay ku dhiirigalinayaa isticmaalka shilinka somaliland, si uu
macmiilku isagoo meel kasta jooga uu lacagta dollarka ugu badalan karro shillin mobilkiisa
dhexdiisa, halkii uu xarunta shirkadda ka tagi lahaa isla markaana uu ka dalban lahaa in
doolarkisa looga saaro, shillina loogu shubo.
Haddana’ gudiga sixir bararku iyagoo aan hubsan adeegan cusub iyo sida u shaqaynaayo waxay
mar-labaad talaabooyin aan laga fiirsan dul dhigeen isticmaalka adeegan cusub, arrintan oo ina
tusaysa in aan dawadda qiima dhaca laga dayin meeshi la rabay balse, maalinba wixii la rabo la
yeelayo, waxay keeni doontaa in uu dhaqaalaha iyo nolosha bulshadda u gaadhsiiyo dhibaato
aad u balaadhan oo aanay qaadi Karin wakhtigan xaadirka ah.
Madaama oo adeegani yahay mid leh mihiimadaa aynu kor kusoo sheegnay, joojintisu waxay
sababi doontaa inuu sii xumaato nolosha dan yarta ah ee markii horeba la baaxadageyay
maaraynta noloshooda, waxayna keeni doontaa in qiimaha quutal daruurigu uu laba-laamo, isla
markaana uu kor u kaco qiimaha dollarku. Haddaba si loo helo xal-waara waxa dawaladda hadda
jirta looga baahan yahay in si hubsasho iyo deganaani ku dheehan tahay ay loo dhayo lagu
milinka nabarka dawadiisa la raadinayo, waayo arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsigu dawadoodu
looma adeegsaddo firo iyo argtiyo gaar ah, haseyeeshe waxa lagu dawayn karaa adeegsiga

aqoonta dhaqaalaha iyo argtiyo la hubiyay lana tijaabiyey, hadaana sidaa loo raacin waxay noqon
doontaa kadar oo dibi dhal.

COMMENTS