BALIGUBADLE MEDIA
“Itoobiya Waxay Tageersantahay Midnimada Iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya Heshiiska DP World-na Waa Ganacsi Kaliya”. Dawladda Itoobiya
March 17, 2018 - Written by admin

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Dalka Itoobiya Meles Alem ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxeexdeen Itoobiya, DP World iyo Somaliland ee dekadda Berbera aanu wax shaqo ah ku lahayn xaaladda Siyaasadda ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay mid ganacsi oo qudha.

malez alam

Afhayeenka ayaa caddeeyay in Itoobiya ay taageersan tahay midnimada iyo Madax-banaanideeda dhuleed ee Soomaaliya, xidhiidh wanaagsana ka dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay iska kaashadaan arrimo badan oo ay ugu weyn tahay dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Isagoo u warramay Telefishanka Aljzeera ayuu Afhayeenka Meles Alem wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu salka ku hayo iskaashiga Ganacsi iyo arrimaha Logistics-ka kaliya. Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka Itoobiya ugu jirto sidii ay u heli laheyd marino kala duwan oo badeed ee aysan marna ka horjeejin midnimada Soomaaliya.

Wuxuu soo qaatay xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu sheegay inuu horumar weyn sameeyay, tan iyo intii uu booqashada ku tegay Itoobiya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Arrintan ayaa wiiqaysa hankii Somaliland oo aha inay heshiiska Dekeda Berbera uga faa’iidaystaan qadiyada gooni isutaaga Somaliland oo ah himilada ugu wayn ee shacabka Somaliland naawilayaan inay u rumowdo, iyadoo caalamku hagraday oo indhaha ka qarsaday. Geesta kale hadalka Dawladda Itoobiya ayaa diirka ka qaaday mawqifka dhabta ah ee Itoobiya oo ah in aanay Somaliland aqoonsigeeda marnaba aqbalayn balse ay ka shaqaysanayso.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS