BALIGUBADLE MEDIA
“Itoobiya Iyo Imaaraadka Carabtu Duulaan Ayay Ku Soo Qaadeen Soomaaliya…” Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
March 6, 2018 - Written by admin

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiska Dekeda Berbera oo ay wada gaareen Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya

saki

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ay dagaal dhanka madax banaanida ah ku soo qaadeen Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii go’aan cad oo dalka muhiim ah laga qaato Shirkada DP World oo uu sheegay in hantida dadka ay si sharci daro ah ku qaadaneyso.

Sidoo kale waxa uu xusay in dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya aysan qadarin madax banaanida iyo sharciyada Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa soo jeediyay in Xukuumada Soomaaliya ay u yeerto Safiirada dalalkaasi si wax looga weydiiyo mowqifka iyo madax banaanida Soomaaliya.
Waxa sheegay in labada golle ee Baarlamaanka la horgeynayo fara gelinta Imaaraadka iyo Itoobiya ay Soomaaliya ku hayaan.

Shalay ayay ahayd markii war ka soo baxay masuulka ugu sareeya shirkada DP world uu sheegay in Heshiiska aysan waxba ka khuseyn dowladda Dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana uu ahaa Mid u dhaxeeyay Somaliland, Itoobiya, iyo Shirkadda DP World.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS