BALIGUBADLE MEDIA
Imisa ayuu kaga kiraysnaa Garoonka Diyaaradaha ee Berbera Shirkada NASA ee Maraykanka sanadihii 1981-1991. Balse inagu maxaan ku kiraynaynaa.
March 19, 2018 - Written by editor

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera oo mar ahaa garoonka ugu dheer dhinaca dhabaha ee qaarada Africa, welina ah mid balaciisa iyo dhererkiisuba naadir ku yahay Qaarada Africa, isga oo uu dhisay Midawgii Soofiyati sanadihii 1970s. Hadaba Garoonkani, wuxuu kaga kiraysnaa Shirkada Dayax-gacmeedka ee dalka Maraykanka ee loo yaqaan NASA, oo uu u ahaa Garoon kayd ugu ah Dayax-gacmeedyadeeda hadiiba ciladi ku timaado inay si dhakhso ah ugu soo dejin karaan (Emergency Landing). Garoonkani wuxuu kaga kiraysnaa sanadkii $40 milyan oo Doolar oo la sheegay inay maanta ugu dhiganto lacag ka badan $200 million oo Doolar (laba boqol oo miliyan) iyada oo laga eegayo qiimihii ay lahayd wakhtigaas.

Ku darsoo Dawlada Maraykanka uma ahayn Saldhig Militari balse khubaro kooban oo shirkadaas NASA ah ayaa ka joogay Berbera. sidaas oo kale Garoonku uma xidhnayn NASA ee wuxuu ahaa Garoon si caadiya loo isticmaalo. Maanta oo qalqaalo loogu jiro in Garoonkaas iyo waliba Deked Military laga siiyo Dalka Imaaraadka Carabta. Hadaba iyada oo aan ognahay in Garoonka Diyaaradaha oo qudhi kaga kiraysnaa NASA $40 million oo Dollar oo maanta u dhiganta $200 million oo waliba Garoonku sidiisa caadiga ah u shaqaynayay, maxay noqon kartaa hadii Garoonkii loo xidho Emiraadka Carabta, walibana loogu daro inay Deked Militarina ka samaysato.  Hadaba su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay, muxuu ka dhiganayaa Emiraadku Garoonka iyo Dekeda Militari ee la sheegay inaanay Somaliland wax shaqo ah ku yeelan doonin maamulkiisa iyo waxa lagu qaban doono. Ujeedada Imaaraadku ka leeyahay waa mid u badan faa’iido doon iyo inuu ka sameeyo lacag Garoonka iyo Dekeda Militari ee uu ka dhisayaba, waxana ka mid noqon kara ujeedooyinkiisa sidan;

1.        Inuu ka dhigto xarun Militari oo Diyaaradaha Quwadaha kala duwani shidaalka ka qaataan, kana dhigtaan xarun ay ku nasiyaan ciidamadooda u kala gudbaya Qaaradaha kala duwan sidaas oo kale ay noqoto xurunta xamuulka Ciidamada Quwadaha kala duwani marsadaan oo ah Military Cargo base.

2.       Waxay noqon kartaa inuu Quwado shisheeya ka sii kireeyo oo sida Djibouti oo kale dejiyo, wixii dakhli iyo tasiilaadana isagu u qabto  madaama Deked u garaana samaysanayo oo wuxuu rabo kala soo degi karo, iyada oo aan xiitaa la cashuurin.

3.       Dekeda Militari ee uu dhisanayaa sidaas oo kale waxay noqon doontaa xarun maraakiibta Dagaalka ee Quwadaha kala duwani shidaalka ka qaataan, sidaas oo kalena ay ku xidhaan maraakiibta dagaalka ee reer Galbeedka iyo Quwadaha kaleba, waxana Imaaraadku ka samayn karaa dhaqaale aad u tiro badan kaasi oo ay Somaliland ka qatanaan doonto, madaama heshiiska socda la sheegayo inaanay Somaliland waxba ka ogaan Karin Garoonka iyo Dekeda Cusuba waxa soo gelaya iyo waxa ka baxaya.

4.       Waxa kale ka mid noqon kara ujeedooyinkiisa, inuu kala dagaalamo Xuutiyiinta Dalka Yemen oo ay noqoto meel uu ku aamino diyaaradihiisa Dagaalka madaama xaalada Cadan ee Dalka Yemen oo uu gacanta ku hayaa ay halisi ka soo wajihi karto diyaaradihiisa Dagaalka maadama Kooxo kale ay dagaal kaga soo horjeedaan xulafadiisa Cadan.

5.       Waxa kale oo intaas dheer inay ujeedooyinkan Saldhiga ay ka mid tahay inuu hantida DP World ay ku maal-gashanayso Dekeda Berbera ku ilaashado oo hadiiba muran yimaado ay suura-gal tahay inay military ahaan u faro-geliyaan amaba la wareegaan Dekeda Berbera.

Halisaha kale ee Somaliland ka soo wajihi kara waxa ka mid noqon kara:

1.       In Dalka Imaaraadku saldhiga ku tababarto Ciidamo reer Somaliand ah oo aan ka amar qaadan Dawladeena, kuwaasi oo inta uu mushahar u qoro, siiyana wixii tasiilaada uu dejisto xarumo military oo cusub uu uga sameeyo Somaliland Gudaheeda kuwaasi oo danaha Imaaraadka oo qudha fuliya, sida ka dhacday  Dalalka Libiya, Yemen iyo Somalia. Ciidamadaas oo weeraro xiitaa ku qaada masuuliyiinta xukumadahaas. Waana dhaqan imaaraadka  lagu arkay wadamada uu joogo.

2.      Inay Somaliland ku waydo cashuur aad u tiro badan oo kaga baaqan doonta alaabaha ka soo degi doona Dekeda cusub ee Imaaraadku ka samaysanayo dhulka Garoonka ku wajahan, Dekedaas oo ay dhici karto inuu Imaaraadku kala soo degi doono alaabo aad u badan oo uu ugu adeegi dooni Quwadaha shisheeye oo uu ku marti-gelin doono saldhiga cusub, iyo waliba shidaalka maraakiibta dagaalka ee quwadaha oo ganacsi ahaan uga sii iibin doono Dekeda cusub ee gaarka loo siiyay.

3.      Waxa kale oo dhici karta inuu saldhiga Militari ka dhigto xarun uu ciidama dalalka shisheeye ku tababaro xiitaa ciidamada dalka aan jaarka nahay ee Somalia maadaama aanay Somaliland ogaan Karin waxa ka socda saldhiga dhexdiisa.

4.      Waxa kale oo dhibaato Somaliland ka soo gaadhi kartaa in saldhigu bara-kiciyo dad reer guuraaya oo aad u tiro badan oo deegaanadaas degan madaama la sheegay in la balaadhin doono dhulka saldhiga milatari.

5.       Waxa kale oo dhib noqon doonta cida loo raacayo xad-gudubyada ay geystaan Ciidamada Imaaraadku hadiiba ay dhacdo iyada oo lagu eedeeyo inaanay lahayn hab-dhaqan wanaagsan oo dad la dhaqan.

Waxa Somaliland dani ugu jirtaa inaanay Imaaraadka loo ogolaan inay Deked ka samaystaan Garoonka Diyaaradaha ee Berbera agtiisa, taas badelkeedana ay isticmaalaan Dekeda Berbera oo ay bixiyaan wixii cashuura ee ku waajibtay oo shuruucdeenu dhigayso in la cashuuro dhamaan wixii ka soo dega Dekedaha Somaliland wixii sharcigu cashuur dhaaf siiyay mooyee. Waxa kale oo haboon in Garoonka loo wada isticmaalo Militari iyo Rayidba, Maamulkiisana wadajir loola maamulo Imiraadka si la mida sida Djiboutiba ay Garoon qudha u wada isticmaalaan dhamaan quwadaha jooga iyo Diyaaradaha Rayidka ahiba.

Waxa kale oo haboon in lacag go’an lagaga kireeyo Imiraadka Carabta Garoonka sidii ay Shirkadii NASA ba u kiraysatay oo tusaale ahaan sanadkii ay bixiyaan lacag dhan $100 million oo Dollar,  tusaale ahaan NASA waxay bixin jirtay $40 million sanadkii iyada oo Garoonka oo qudha isticmaasha walibana dawladii Somaliya gacanta ku haysay Garoonka, ay diyaaradaha rayidkuna si caadiya u isticmaali jireen, maanta oo la rabo in Dekedna loogu daro Imaaraadka maxay noqon kartaa kirada lagaga kirayn karaa, ma haboona in si fudud loo yidhaa ciidamo ayay noo tababarayaan, maanta ciidamadeena waa ciidamo tababran oo u baahan oo qudha tasiilaad dheeraada balse la inaguma harawsan karo ciidamo ayaan idiin tababaraynaa ee dhulkiina bilaaash nagu siiya iyo mashaariic kooban oo aan la garanayn waxay tahay.

Guntii iyo Gebagabadii, waxan rajaynayaa inay xukumadeenu dhuuxdo qoraalkayga oo si xeel-dheer uga fikirto heshiiskaas iyo saamaynta uu inagu yeelan doono mustaqbalka. Halkan ka akhrista qiimaha uu kaga kiraysnaan jiray Garoonka Berbera Shirkada Dayax Gacmeedka ee NASA  https://en.wikipedia.org/wiki/Berbera_Airport

Yuusuf Wacays.

[email protected]

COMMENTS