BALIGUBADLE MEDIA
HOOYADA SOOMAALIYEED IYO WAAYIHII REER GUURAAGA.
March 8, 2018 - Written by editor

Kalintii ay hooyadu ku la hayd noloshii reer guuraaga iyo dhibaatooyinkii is huwanaa ee ay ka dhaxashay. Waa qormooyin ka kooban dhowr qaybood, oo aan doonayo in aan idinla wadaago.

Soomaalidu waxay ku abtirsataa nolosha reer guuraaga taa soo la odhan karo waxay ku sinayd  bilawgii iyo aas  aaskii taariikhda soomaalidu ka unkantay Geeskan Africa. Nolosha reer guuraagu waa nolol dhib  iyo rafaad badan oo aan  nasasho  lahayn, waxaana lagaga gudbaa samir iyo adkaysi badan oo joogto ah.
Hadaba waxaan qormooyin  kooban  ku iftiimin doonaa duruuftii iyo waayihii qadhaadhaa ee hooyooyinka Soomaaliyeed kala kulmeen noloshii reer guuraga, taa soo ay bulshada Soomaalidu wakhti badan ku soo qaateen sidii ay salka ugu dhigi-lahaayeen nolol  ka islaaxda  dhulka kaymaha ah ee ay mudada dheer ku  noolaayeen. Waxa kaloo  iyana xusuusteeda leh  sidii ay hooyooyinkii Soomaaliyeed ugu  dulqaateen  diiftii iyo daranyada taalay noloshii reer guuraaga.
Sababta maanta igu kaliftay in aan dib u milicsado taariikh iyo waayo in tooda badan laga soo gudbay waa  isbadalka nolosha  Soomaalidu  samaysay  sanadihii ugu dabeeyay, gaar ahaan kala fogaanta nololeed ee u dhaxaysa hooyada maanta  iyo hooyada shalay.

Waxa biyo kama dhibcaana  in ay jirto farqi aad weyn oo u dhaxaysa   hooyadii   la kaca-kufaysay noloshii baadiyaha iyo hooyada la kowsatay  nolosha magaalooyinka,  marka loo eego  xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee  mid waliba nasiibka u heshay.   Waxa kaloo iyana haboon in haweenka maantu ay dib u fiiriyaan marxaladihii  adkaa ee  hooyooyinka   Soomaaliyeed u soo samreen, xiliyo  ay Soomaalidu ka durugsanaayeen dhulkii  magaalooyinka ka agdhawaa, islamarkaana  aanay jirin adeegyo bulsho oo  ay haweenka maanta ku naaloonayaan.  Sooyaalka  taariikhda oo dib loo raadguraa waxay bidhaamisaa jahada loo socdo  iyo geediga la guurayaa inta uu leegyahay.  Hadaba in haweenka maantu dib u jaleecaan waayihii ay soomareen hooyooyinkii hore waxay ka caawinaysa in ay helaan halbeeg saxa oo ay ku cabiraan guulaha ay ka gaadheen halgankooda   raadin   xuquuqda haweenka.
Hooyooyinkii  ka soo dabaashay  noloshii adkayd ee reer guuraaga   waxa lagu tilmaami karaa in ay ahaayeen naftood huryaal u soo jilib dhigay xaalado cakiran oo yaalay dhulkii qarfaha ahaa ee ay ku noolaayeen.
Wakhtigii  iyo  waayihii  qalafsanaa ee Hooyooyinka  Soomaaliyeed ku haystay noloshii baadiyuhu  maaha kuwo  aan halkan si waafiya idiinku soo gudbin karo.  Waxaan’se qalinka u qaatay in aan wax yar  ka iftiimiyo  xaaladihii ugu adkaa  ee hooyooyinka Soomaaliyeed u soo beerdhigeen xiliyo ay noloshu baxaadagaysay. Waxaan haddii Alle idmo, si guudmar ah wax uga tilmaami doonaa, 5) caqabadood oo hooyooyinka Soomaaliyeed ku haystay noloshii baadiyaha, ku waa soo kala ahaa; 1)  dhibtii hooyooyinka ka soo gaadhay markii ay waayeen adeegyo caafimaad oo lagu daryeelo, 2)   howshii aan dhamaadka lahayn ee ay kala kulmeen hirgalinta aqalka Soomaaliga, 3)daalkii iyo diiftii ay ka dhaxli-jireen  marka ay reeruhu guurayaan, 4) tacadii iyo turun-turooyinkii ay kala kulmeen aaboyaashii ay nolosha la wadaagayeen, 5) ta ugu danbaysa oo ah sidii  hooyooyinka looga dayriyay taladii qoysaskooda.

1)  La’aanta adeego caafimaad;  Marka  ay hooyadu  uurka leedahay ama ay nuujinayso waxay aad ugu nugushahay in ay asiibaan  Xanuuno  khatar ku ah  nafteeda, taa soo ay ugu  wacan  tahay,  xaalado  u gooniya  markay hooyadu  dhalayda tahay.
Xiliyadii  ay dadku  reer guuraaga ahaayeen  may-jirin adeegyo caafimaad oo  lagu daryeelo dadka  kuwa ugu jilicsan  sida Hooyada uurka leh, Caruurta 5sano ka yar iyo dadka waayeelka  ee xoogoodu yaraaday.
Dhibaatooyinkii  ku habsaday Hooyooyinkii reer guuraaga ahaa  waxa ugu xanuun badnaa,  kuwii la soo darsi-jirey marka ay hooyadu   foolanayso, taa  soo haddii uu Ilmuhu isgudbo ama uu hoosba u soo dagi waayo, ama ay hooyada miskeheedu  yar-yihiin, midna wax lagula tacaalo aan loo  heli-jiren,  waxa  qudha ee la sugi-jireen waxay ahayd inta ay hooyada naftu ka baxayso, hadaan Ilaahay SWT faraj u bixinin.   Sidoo kale haddii hooyada uurka leh ay ku dhacdo dhiigyaraani ama dhiigkar iyana wax lagu daweeyo looma heli-jirin.  Waxa kaloo ka sii darraa haddii    hooyadu markay umulayso dhiigbax ku yimaado, amaba  ay igfashan qaado iyana wax lagu dabiibo  looma haynin.
Waxa intaa dheeraa hooyadu waxay ahayd Qofka koobaad ee ugu tacabka iyo dadaalka badnaa howlihii reer guuraaga, waxaana la odhan karaa howsha baadiyaha 70% waxa dhabarka u ridan jirtay hooyo somaliyeed oo aan  daryeel haysan. La soco. By Cumar Axmed Cali; [email protected]/0634244802

COMMENTS