BALIGUBADLE MEDIA
Gari Allay Taqaan”Gabayga Lagu Af-lagadeeyay Hablaha Ciidogale Iyo Dooda Wasiir Guri Barwaaqo iyo Macalin Bedel
March 23, 2018 - Written by editor

Maalmahan waxa warbaahinta iyo baraha bulshada ka dhex muuqday,gabay
ku qoran buuga uu qorey wasiir Guribarwaaqo sanadkii 2012-kii,

Tuducyada gabayga waa sidan.

“Hablaha Ciidogale sow waxaan soo hubsaday maaha’
Sow waxaan habeen iyo dharaar hooy la galay maaha.
sow wuxu markey hilib arkaan soo hirmaca maaha.
sow wuxu shantaa hugur dhaliyo,hawaato leh maaha”

Buuga magaciisu yahay SOYAAL. buugaas waxa qorey wasiirka
warfaafinta,magaciisu waa kan sare ku xusey,waxa lagaga hadlayaa
tariikhda sayid maxamed cabdule xasan, buuga waxa jaldiga xaga hoose
ee buuga kaga qoran dhigane u yaala sidan ” Ina cabdule xasan ma
shiikh-buu ahaa mise…….?

Qoraalka ah sayidku ma shiikh-buu ahaa iyo doodiisa ayaa buuga lagu
jeexjeexaya,sida ka muuqata meelaha gabaygani buuga kasoo galayna
faalada iyo dooda buuga ku dhex qoran ee ku saabsan,su’aal galinta
qofka uu ahaa sayidku ayaa qoraaga la gashay meelo badan oo ka baxsan
sayidka. waana wax inta badan dhaca marka buug la qoraayo, in meelo
badan ay la gasho dadka wax qora lkn waxa muhiim ah in aad mar walba
warka aad xiganayso ama aad ka waramayso wa inuu ahaado mid la hubo oo
lagu kalsoonyahay, adiguna aad markhaati cad u hayso waxad bulshada la
wadaagayso.

Hadaba waxa is waydiin leh.hadii Guri-barwaaqo buuga uu qorey
2012-kii. oo ay kasoo wareegtay mudo 6-sano ku siman, waa maxay
sababta maanta keentay in laga hadlo oo ay ilaa halkaas arrintu maanta
gaadho?

Horta waxa bilaabay ninka magaciisu yahay Maxamed Axmed Bedel oo ka
hadlay tuducayada gabaygan ee sida gaarka ah, u taabanaya hablaha
beelaha Ciidogalo.

Macalin Bedel waa nin dhalinyaro ah oo ku xeel dheer dhaqanka
somaalida ,waa nin khibrad fiican u leh, lkn Mr Bedel waa maxay
sababta uu 6-sano uu arki wayay gabaygan lagu aflaagad-aynaayo
habalaha sharafta leh ee beesha. maxaa keenay in uu maanta ina bedel
gabaygan soo qaato,

Wasiirku mar isaga iyo Sulaadan Maxamed C/qaadir ay warbaahinta la
hadleen wuxuu sheegay in ninka macalin Bedel la dhaho ay markii hore
jamacada Hargaysa wada jogeen oo uu shaqada ka joojiyay,markii xigay
wasarada warfaafinta oo uu ka shaqo galayayna uu ka joojiyay, sababo
la xidhiidha shaqadiisa ,hada waa sida uu wasiirku hadalka u
dhigay,waayahay” halkaas waxaa ka muuqata in cadawad shaqsiyadeed u
dhaxayso labadan nin ee Guribarwaaqo iyo ina Bedel oo ay yihiin rag
coladoodu soo jiitamaysay mudo,

Hadaba miyaan la odhan karin dagaalka shaqsi ee ka dhexeeyay
Guribarwaaqo iyo macalin Bedel ayaa sababay, inuu maanta maxamed axmed
bedel soo qaato gabay lagu cayay habalaha beesha isagoo ujeedadu tahay
inuu iska ceeliyo oo dagaal iyo Aarsi kaga war keeno wixii uu ka
tirsanayay ninka wasiirka ah,marka aynu dhinaca kale ka eegno miyaan
la odhan karin ina badal cayda hablaha wuu ku weerar tagay ee maaha
nin ka damqaday gabayga iyo micnihiisa ee wuxuuun-bu is yidhi wax
iskaga celi ilaa maanta oo ay Guribarwaaqo is qabteen ayuu soo
qaataye, oo maba ah, nin hablaha difaacayay ee waa nin wax iska celi
is leh,
aan ku laabto tuducayda gabayga ee qoraagu buuga ku qorey, “qaybta odhanaysa,
“Sow wuxuu shantaa hugur dhaliyo,haawato leh maaha”

Hawaato” waxa qoraalka wasiirku ku sheegay , in hawaato tahay
islaantii uu qabay ninka gabayga tiriyay, Hugur isaguna waa sodogii.
halkaas waxa kasoo baxaday in qoladii abwaanku gabayga lagu sheegay
kasoo jeeday, ay iyaguna dagaalka dhinacooda kasoo galeen oo ay
dhaheen awoowgay gabaygan ma tirin iyo in wasiirka halkaasna danbi
kale loo haysto in uu ayeeyooyin iyo awoowayaal ku been abuurey” oo
tagfiirtii dadka dhintayna ay budh-tuur yihiin, weerar sedex gesood
ah.

Gabaygu ma jiraa mise ma jiro? waa mid la isku hayo marka la eego
labada dhinac ee dood dhextaalo, haba jiree gabay noocan ah ma lala
wadaagi karaa bulshada ? maya oo dhaqaankeena ceeb ayay ku ahayd in
caarka wax laga sheego, dhaqanka somaalidana hadii hablaha gabay,hees
,geerar, iwm lamid ah lagu aflagadeeyo waxay ahaan jirtay xaal iyo in
gabayga lagaga mamnuuco,

In nin qoraa wayn ah oo iminka qaranka wasiir u ah inuu buuga qoraalka
galiyo ceeb wayn ayay ku tahay lkn waxay ku haboonayd wakhtigeedi iyo
markii buugu soo baxay lkn waxay ila tahay in meesha rag ku lagdamaayo
dumarkana lagu kicinaayo,rag is hayaana awrka ku kacsanaayo “shalay
maaha maanta” buuga shalay waa yiilay lkn rag-baan is haynin sow maah,
haa” dabadeedna dumarkii ay la kicinayaa oo la leeyahay waa la idin
cayay arrinka marna waa gar’ marna waa xasarad iyo fidno la kicinaayo
6-sano dabadeed.

Waa gar oo nin wayn oo oda’ay ah, iminkana wasiir ah in umada waxaas u
qoro ceeb wayn ayay ku tahay,waxaa ku waajib ah inuu cadeeyo gabayga
markhaatina u yeelo.hadii akale waa qabiil cay oo waa arin meel xun
tagi karta in hablaha la caayana arin sahlan maaha, bulshada ay sida
gaar ka ah u tabatayna hadii aysan hore u ogayn gabayga, ha ogadaan in
rag is hayaa arrinta isku weerarsanyihiin ee aanay jirin, marxalad
kale oo maaanta keentay gabaygan.

Alaah mahadleh.

W/Q.Mustafe Axmed Maxamed Geedi

Email. [email protected]

Facebook. Geedi Ahmed Geedi

Burco-Somaliland

COMMENTS