BALIGUBADLE MEDIA
Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo loo ogolaaday in ay ganacsigooda kala hadli karaan Somaliland
March 7, 2018 - Written by admin

Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ayaa sheegay in ay helleen ogolaasho ah in ganacsigooda kala xaajoon karaan maamulka Somaliland, sidoo kalena ay Qaadka geyn karaan deegaannada Somaliland.

Guddiga Ganacsatada dalka Kenya ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibedda dalkooda siisay ogolaashaha ah in ay arrimaha Suuqa qaadka kala xaajoon karaan Somaliland.

qaaadka

Afhayeenka Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya Kimathi Munjuri ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan heshiisyo iyo sidoo kale in ay xiriir ganacsi la sameeyaan  Somaliland.

Ururka Ganacsatada Kenya ayaa doonaya in ay Suuq cusub ka helaan Somaliland iyada oo qiimaha canshuurta laga qaadanaya doonaya in hoos loo dhigo.

Maamulka Gobolka Meru ee uu Qaadka ka baxo mas’uuliyiintiisa u fasaxday in ay xiriir dhinaca ganacsiga ah iyo suuq u raadinta qaadka ah la yeelan karaan Somaliland.

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya ayaa 2016-kii isku khilaafay arrimaha Qaadka ee Kenya ay keyso Somaliland ka dib markii guddoomiyihii hore ee gobolka Meru uu booqasho ku tagay Somaliland dowladda Soomaaliya oo aan ogeyn

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS