BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Soomaaliya oo Iska Fogaysay Inay La Wareegtay Xarunta Golaha Shacabka, Soona Bandhigtay Ujeedada Ciidan La Geeyey
March 17, 2018 - Written by admin

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ganafka ku dhufatay inay ciidan dul dhigtay xarunta golaha shacabka.
Wasiirul dawlaha wasaarada amniga Xasan Macalin Xuseen iyo taliyaha ciidanka Booliska Gen Bashiir oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warka soo baxay gudoomiyaha golaha  shacabka ee sheegaya in ciidamo la wareegeen xarunta golaha.

amniga

Ugu horayn wasirul dawlaha amniga oo ka hadlay shir jaraa,id oo ay ku qabteen muqdisho ayaa soo bandhigay ujeedada ciidamada loo geeyey xarunta golaha shacabka waxaanu yidhi  “Arintaas waxba kama jiraan, baarlamaan la qabsadayna ma jiro, si loo sugo nabad galyada ayaa ciidamada booliska oo ku amaanan hawshiisa
iyo wax qabadkiisa ayaa waxa amar lagu siiyey in la adkeeyo amniga xarunta uu baarlamaanku ku shiro maadaama oo kalfadhigii 3aad furmay.”

Wasiirul dawle Xasan Macalin ayaa fariin u diray shacabka waxaanu yidhi “Maanta markay saacadu ahayd 2-dii duhurnimo ayaa taliyaha ciidanka booliska waxaan ku amray inuu ciidan ku xoojiyo xarunta baarlamaanka si loo sugo amniga xildhibaanada iyo xasilintooda, ujeedaduna intaas ayey ahayd ee dhib kale ma jirto, waana shaqadayada taasi, dadweynahana waxaan leeyahay arintu waa sidaas ee yaan si khaldan loo fahmin.”

Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Bashiir ayaa isaguna faah faahiyey ciidamada la geeyey xarunta golaha shacabka waxaanu yidhi “Siyaasada taagan ee hada socota markii la eegay waxa waajib noqotay in ciidanka boolisku talaabo qaado oo la kordhiyo ciidankii baarlamaanka joogay,ciidanka aanu keenay waa kuwo takhasus leh oo birmadka booliska ka tirsan, intii aanu is lahayn waa laga maarmi karaana waanu ka saarnay, ciidanka booliskuna waa qaar u adeega umada soomaaliya, xildhibaanaduna waa kuwii matalayey umada.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS