BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Djibouti Dhex Maka Noqon Kartaa Wada Haddalada Somaliland Iyo Soomaaliya?
March 9, 2018 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa qorshaynaysa in  dhawaan dib loo bilaabi doono  wadda hadaladii u dhaxeeyey dawlada soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay wada haddalada labada dal ayaa lagu wadaa inay mar kale dib uga furmaan wadanka Jabuuti, iyada oo laga soo wareejiyey dalka Turkiga oo hore u marti galinayey wada xaajoodka.

Sababta ugu weyn ee dawlada Turkiga looga wareejiyey wada haddalada labada dhinac ayaa ah iyada oo xukuumada somaliland su,aal galisay dhex dhexaadnimada dawlada Ankara, taas oo keentay in labada hogaamiye ee somaliland iyo Soomaaliya ay isla qaataan inay iskugu yimaadaan wadanka Jabuuti.

Hadaba waxa mar kale mad madow soo galay sida ay dawlada Djibouti


dhex uga noqon karto wadda haddalada ay somaliland la leedahay soomaaliyada, iyada oo ay dhawaan soo shaac baxday sida ay dawlada Djibouti u taageersan tahay dawlada Muqdisho isla markaana uga soo horjeedo qadiyada somaliland.

Wasiirka arimaha dibada Djibouti Maxamed Cali Yuusuf ayaa dhawaan bartiisa Twitter-ka ku soo bandhigay taageerada ay xukuumadu Djibouti u hayso dawlada Muqdisho, isaga oo u riyaaqay go’aanka ay dawlada soomaaliya ka qaadatay heshiiska sadex geesoodka ah ee dekeda Berbera.

Qoraalkii Uu Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Dhigay Bogiisa Twitter-ka

Wasiir Maxamed Cali Yuusuf ayaa qoraalkiisa ku yidhi “ Dawlada federaalka ah ee soomaaliya waxay diiday iskaashiga(MOU) ee u dhaxeeya somaliland, DP World iyo itoobiya ee dekeda.”

Hadalka wasiirka ayaa si cadaan ah looga dhadhansanayaa sida ay dawladiisa Djibouti u taageersan tahay xukuumada Xamar isla markaana aanay la dhacsanayn horu marka dawlada somaliland.

Sidoo kale maareeyaha dekedaha ee Djibouti ayaa sheegay in markii ay shirkada Dp World heshiis la gashay dawlada Somaliland ay ka qaadeen talaabo ay kaga saarayaan dalkooda, kaas oo lagaga dhadhansan karo heerka ay masuuliyiinta dalka Djibouti ka taagan yihiin qaranimada somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxa sida cadceeda u muuqata inaanay dawlada Djibouti dhex ka noqon Karin wada haddalada somaliland iyo Soomaaliya iyada oo ay hada muuqato inay si badheedh ah ula safan tahay dawlada Xamar, waxaana ay shacabka somaliland dhawrayaan go’aanka ay xukuumadu ka qaadato ama  shuruudaha ay soo bandhigto si ay u hubiso dhex dhexaadnimada taliska  Ismaaciil Cumar  Geelle ee ka arimaya wadanka Djibouti.

 

  Xigasho: Hadhwanaagnews

COMMENTS