BALIGUBADLE MEDIA
Berlusconi oo kusoo rogaal celiyay siyaasadda Talyaaniga
March 5, 2018 - Written by admin

ida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxaya doorashooyinka guud ee dalka Talyaaniga, waxaa suurtogal ah in ay guushu raacdo isbahaysi midigta ee uu hoggaamiyo Ra’isulwasaarihii hore Silvio Berlusconi.

Waxaa laga yaabaa in ay helaan 268 kursi, taas oo ka yar 316-da kursi ee loo baahanyahay in uu helo xisbiga aqlabiyadda buuxda kusoo baxaya, laakiin sidaas oo ay tahay.

In dowlad lasoo dhiso waxa ay qaadanaysaa muddo todobaadyo ah maadaamaa aysan jirin cid heleysa aqlabiyad qayaxan

Haddii dowlad lasoo dhisi waayo, doorasho kale ayaa lagu laabanayaa si loo helo aqlabiyad.

Xisbiga ugu kuraasta badan waxa uu noqonayaan kan shanta xidigood , wuxuuna helayaa 236 kursi.

Sare u kaca ay sameeyeen xisbiyada ‘kacaan doonka ah’ ayaa waxaa lala meel dhigay doorashadii Donald Trump iyo aftidii Brixit.

Berlusconi hadda ma qaban karo xafiis dowladeed illaa laga gaarayo sanadka dambe, xiligaas oo la filayo in maxkamad ay go’aan ka gaarto dacwad la xiriirta musuqmaasuq.

Afar jeer ooh ore ayuu Ra’isulwasaare kasoo noqday Talyaaniga, mar shanaadna waa uu doonayaa in uu noqdo.

Wuxuu hadda gadaal ka riixayaa in uu Ra’isulwasaare noqdo madaxweynaha baarlamaanka Yurub Antonio Tajani.

Mid ka mid ah xisbiyada ku bahoobay isbahaysigan, waxa ay balanqaadeen in ay tarxiili doonaan kumanaan dad soogalooti ah.

bbc

COMMENTS