BALIGUBADLE MEDIA
“Baroortu Orgiga Ka Weyn” Maseerka Soomaaliya, Muraado Caalamiya, Iyo Somaliland Oo Ka Soo Mudh Tidhi Mandaqadii. Faalo:- Qalinka:C.S.F (Jeesto).
March 14, 2018 - Written by admin

Jamhuuriyadii  Somaliland  waxay  maanta  heshay  jaaniskii  ugu  muhiimsanaa  waayo  waxay  ka  mid  noqotey  Khilaafkii  dunida  hada  ma,aha  kii  Mandaqada  waxay  si  toosa  uga  diwaan-gashan  tahay  wakhti-xaadirkan  Xulafooyinka  Dunida  isu  haya  waliba  Xulafada  ugu  quwada  badan  ee  ay  majaraha  u  hayaan  Dawladaha  Waaweyn ee  kala  ah.

·    United  Arab  Emirates

·    United  State  Of  America ( U,SA)

·    Sa,udi  Arabia

·    Ethopia

·    England

·    France

·    German

·    Kenya

·    Belgium

Waxaan  yara  xusey  qaar  ka  mid  ah  balse  Xulafadani  kuma  dhama  intan  waxa  jira  wadamo  kale  oo  ka  mid  ah  kana  awood  iyo  tayaba  badan  kuwa  halkan  ku  xusan.

Halka  ay  federaalka  soomaaliya  ka  taalo  waadhka  ugu  liita  dhinacyada  ku  loolamaya  Danaha  caalamiga  iyo  waxan  la  yidhaa  (Global  Strategy,ga),  Kuwaasi  oo  kala  qaybsadey  dunida  oo  u  maal-galiya  cidii  ay  ku  tuhmaan   danahooda  si  ay  uga  fushadaan  saaxiibtinimo  iyo  xidhiidh  balaadhana  la  sameysta  kuna  darsada  liiska  ay  Xulafadoodu  tahay, Dawlada  federaalku  yadoo  sheegata  iney  Somaliland  ka  mid  tahay  wadanka  soomaaliya  oo  bur-bur  iyo  Aafooyin  ragaadiyeen,  oo  meel  kasta  ka  daba  qaylisa  ayaa  waxa  soo  baxey  jaanisyada  dhinacyada  dunida  ku  loolamaya  oo  ay   Somaliland  doorkeedi  ciyaartey  si  ay  u  hanato  albaab  uu  caalamku  ka  soo  galo  yada, Labadan  wadan  waxa  kala  furtey,  kala  ambabixiyey  waa  xulafooyinka  ay  kala  raaceen  Nasiib  wanaag  dawlada  federaalku  waxay  iska  dhiibtey  Firqadan  ay   hogaaminayaan  Wadamadan  soo  socda.

·    Qater

·    Turkey

·    Russia

·    Djabouti

·    China

·    Japan

·    Polan

·    Maser

·    Italy

Kuwana   maan  dhameystirin  balse  waa  qaar  ka  mid  ah  Xulafada  labaad  ee  dunida   maanta  loo  kala  qaybiyo ,  waana  ta  la  dagtey  maanta  Soomaaliya  ee  ay   Somaliland   doorkeedii  uga  faa,iideysatey.

Kala  raacida  xulafooyinka   caalamiga   ahi  waxay  Somaliland  u  saamaxaysaa  inay  yoolkeeda  aqoonsi-raadis  u  fududayso  waayo  kudladahan  Caalamku  waxbay  kala  riixanayaan  taasina  waxay  jaanis  weyn  tahay  Dawlada  Somaliland  oo  maanta  caalamkii  ka  dhago-adeygay  dhamaantii  u  baahan  yahay  oo  yada  loo  soo  kala  badinayo  Sababtuna  ay  tahay  Marinka  Caalamiga  ah  ee  ay   Somaliland  ku  taalo  (Red  Sea  Strategic  Marin  Of  Inter-contnental),  Waa  qodabka  u  saamaxaya  in  Somaliland  ay  caalamku  u  soo  kala  badiyaan  kuna  dadaalaan  hanashadeeda  ta  labaad  marka  arinkaa  laga  tago  waxa  yadna  soo  galey  Somaliland   qorshe  ay  fulinayaan  Xulafada  qaybta  ay  rafiiqa  yihiin  wadanka  guunka  ah  Ethiopia.

Meeshan  waxa  ku  jira  muraad  weyn  oo  balaadhan  kaasi  ooy  leeyihiin  Wadanka  jaarkeena  ama  Rafiiqeena  koowaad   ee  caalamka  (Ethiopia  ) Oo  ku  qotoma  dhinaca  ganacsiga  maadaama  ay  dawlada  itoobiya  ay  safka  hore  kaga  jirto  wadamada  jaan-gooya  ganacsiga  Geeska-afrika,  hadba  aregtida  wadanka  itoobiya  waxay  si  aad  ah  u  damaqdey  wadanka  isla  Geeska  ku  yaala  ee  Djabouti  oo  si  weyn  uga  naxay  waayo  dawlada  (Ethiopia)  waxay  jaanis  weyn  siisey  dawlada  ay  jaarka  yihiin  ee  Somaliland  taasi  oo  noqon  doonta  halka  suuqa  caalamiga  ahi  ka  kala  gooshayo  dhinacyada  (Europe,  Asia  Iyo  Afrikada  kaleba),  Dawlada  Djaboutina  waxay  jaaniskan  ku  weyday  (Chinaha) hada  ka  yagleelay  saldhiga  Milatery  (China  Milatery  Base),  Halka  yadna  ay  dawlada  federaalku  ku  wayday  isla  jaaniskan  Turkishka  yada  dagen  ee  ka  sameystay  saldhiga  ugu  weyn  meel  ka  baxsan  dalkiisa  (Turkish  Milatery  Base  In  Somalia), Oo  isna  dano  dhaqaale  iyo  suuq  raadis  ah.

Arinta  maal-galinta  Dekedda  Ber-bera  port  waa  mid  caalamiya  oo  u  adeegaysa  danaha  xulafada  dawlada  (AUE,du)  ay  ku  jirto  fulinaya  hadaba  dagaalada  labada  xulafo  ee  arintani  waxay  si  toos  uga  kala  socdaan  wadamada  (Qater  Iyo  Emirateka)  kuwaasoo  midba  dhinaciisa  ka  jafayo  isla  markaana  maleegayo  qorshe  midba  midka  kale  uu  ku  mijo-xaabinayo,  Sida  dhawaan  ayey  aheyd  markii  uu  safar  ku  yimidey  Wasiirka  Wasaarada  Arimaha  Dibbada  Mareykanku  wadamada  (Djabouti  Iyo  Ethiopia) todobaadkii  ina  dhaafey  kaasi  oo  ay  jabuuti  ka  wada  xaajoodeen  arimahan  ka  dibna  u  sii  dhaafey  dhinaca  Itoobiya  isagoo  wax  ka  weydiiyey  arimaha  maal-galinta  ay  dawlada  itoobiya  ku  leedahay   saamiga.

Ka  talaabadii  wadanka  Ethiopia  waxay  noqotay  iney  ku  dacweeyaan  Wasiirka  Wasaarada  Arimaha  Dibbada  Mareykanka  (Rex  Taillerson)  wadanka  Emirateka ,  yada  oo  uu  Emiratekuna  u  sii  gudbiyey  wadankii  (United  State  Of  America)  Aakhirkiina  xilka  lagaga  qaadey  isagoo  safar  kaga  maqan  Mareykanka ,  Wasiirka  Amuuraha  Dibbada  dalkaasi  Mareykanka  ayaa  lagu  tirin  jirey  dibloomaasi  u  adeega  wadanka  (Qater)  Ama  ay  ahaayeen  saaxiib  xidhiidh  dhawi  ka  dhaxeeyo  waana  amuurta  uu  xilkiisii  ku  waayey  (Mr.  Rex  Taillerson),  Halkaa  waxa  ka  cad  miisaanka  iyo  baaxada  xulafanimo  iyo  sida  ay  isu  qadarinayaan  xulafadani  isku  danaha  ahi.

Inkasta  oo  ay  dagaalka  ku  horeysay  dawlada  (Qater) maadama  ay  dalkeeda  ku  taalo  Jaamacadii  Carabtu  waxay  isugu  yeedhay  kal-fadhi  aan  caadi  aheyn  kaasoo   lagu  gorfeeyey  dacwad  ay  Soomaaliya  ku  soo  qaadey   wadanka  (Emirateka)  Kuna  saabsanayd  iney  dalkeedii  u  dhaaftey  dawlada  Soomaaliya ,  Waliba  ku   xataa  la  casuumey  safaarada  dalka  (Ethiopia )  ee  Qater  ku  taala  oo   dhawaan   dib  loo  furey  ka  dib  xidhitaan   wakhti  hore  safaarada  waxa  ku  suganaa  Qunsulka,  Isaguna  wuu  ka   gaabsadey  ka  qayb-galka  madashaa  Jaamacada  Carabtu  ku  casuuntey  si  su,aalo  loo  weydiiyo  Amuurahan  la  xidhiidha ,  Nasiib   wanaagse  ma  ay  suura-galin  arintaasi  iney  qabsoonto.

Hadaba  imisaan  maqli  jirney  odhaahdii  tiraabteedu  aheyd  (Maqaleey  War  Laay  Ma  Laguu  Waramey  In  Cali  Iyo  Cumar  La  Diley),  Waa  dhago la,  ama  dhugmo  la  soomaaliya,e, Yadoon  warba  iska  hayn  ayey  daf  tiri  seerihii  libaaxa  maxaase  ka  gaadhey  waana  la  og-yahay  cida  ay  la  safan  tahay,  Markaa  dawladii  dulmiga  laga  galey  ee  Somaliland  waa  taa  Raxmaanku  umadiisa  u  dubeeyey  ee  garansiiyey  dawgii  saxda  ahaa  iyo  dariiqii  faa,iidada,  Shakina  kuma  jiro  fulitaanka  arimahaasi  cidii  doontaa  ha  ka  hor-timaadee  maxaa  wacey  waxa  yaala  meesha  awoodo  is-biirsadey  oon  cidna  u  aabo  yeelayn,  Dalkii  Somalilandna   sidaasuu  ku  dhaqaaqey.

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto)

Dipolamtic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

Source:  Ministory   Of  Foreign  Affairs  In  U.A.E./  Security  Council  Of  United  Nations  Dailly  Reports/ Horn  Of  Africa  Policy  Annalysis/  D.P.World  Page.com.

COMMENTS