BALIGUBADLE MEDIA
Baaq ay soo saareen qurbo jooga beelaha Garxajis oo ka digaaya burbur ku yimaada Somaliland
March 27, 2018 - Written by admin

Hadaanu nahay Qurbajooga iyo Qolqoljooga Ismail Sh. Isaxaaq (Garxajis), waxaanu ka digaynaa burbur ku yimaada Somaliland oo ifafaalaheedu muuqdo. Dalka waxaa loo soo huray naf iyo maal. Waxaa ku naf waayay kumanaan halyay. Waxaa lagu heshiiyay in Dawlad loo dhan yahay la dhiso oo aasaaskeedu cadaalad iyo wax wada lahaansho yahay. Nasiib darro, intii Xukuumadihii Kulmiye dalka ka talinayeen waxaa muuqatay in wixii lagu heshiiyay laga baydhay. Waxa aan shaki ku jirin in xilalkii dalka, dhaqaalihii dalka, madaxdii ciidamada, mashaariicdii horumarinta, ilihii dhaqaalaha, deeqihii waxbarashada (Scholarship), iyo qandaraasyadii xukuumadu bixinaysay in reero gaar ah lagu taxay oo lagu naasnuujinaayo. Iyada oo intaasiba jirtay ayaa waxaa xukuumadii Kulmiye ku darsatay, cabudhin, caga juglayn, xadhigyo ka baxsan qawaaniinta dalka inay ku kaceen. Waxaa ka sii daran in nin buug ku qoray cayda hablaha birmagaydada ah uu ku helay xil Wasiirnimo. Intaas oo dhami waxay keenaysaa kicin iyo kala qaybin bulshada dhexdeeda ka bilaabanta. Mar haday dadku gadoodaan oo ay kacaan, cid xakamayn kartaa ma jirayso. Waxaanu si mug iyo miisaan leh ugu baaqaynaa in Madaxweynuhu wax ka qabto arimahan hoos ku qoran oo sal iyo baar u ah wada jirka iyo sii jiritaanka Somaliland;

In xilalka iyo khayraadka dalka loo sinaado.

In Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Wacyi gelintu uu gubo buugan cayda iyo dhaqan xumadu ka buuxdo.

In Madaxweynuhu shaqada wasiirnimo ka qaado Ina Guri Barwaaqo. Waayo, ninkaasi nin Wasiir u noqon kara ummada Somaliland maaha.

In inanta xidhan ee Naciima Qorane oo muddo ka badan laba bilood xidhan oo ilaa imika aan Maxkamad la keenin, una xidhan fikirkeeda oo qudha si dhakhso ah loo sii daayo. Dastuurka aynu ku heshiinay melena kagama taalo in dadka lagu xidho fikirkooda shakhsiga ah.

In Shirkada Telesom ee lugaha loo qabanaayo shirkadaha kale ee ay tartarnka ganacsi ku wada jiraan, faraha laga qaado. Sida Dastuurka ku taala, waa inuu suuqa ganacsigu noqdaa mid xor ah oo aanay Xukuumadu cid gaar ah kooto ugu xidhin.

Cidii lunsatay lacagtii biyo balaadhinta caasimada ee Hargeisa oo xadigeedu dhamaa $153,000,000.00 ee Xumbaweyne waa in Maxkamad la soo taagaa.

Hadaba, iyada oo cadaalad darradu wada haysato beelaha Somaliland, hadana intaas oo dhacdo ee aanu sheegnay waxay ku waajahan yihiin beesha Garxajis oo la bar tilmaameedsanaayo. Ummada waxaa deeqda cadaalad, hadii la waayana la is xukumi maayo. Waxaa waajib ka saran yahay inay cadaalada iyo ilaalinta shuruucda dalka sugto, cidda marba xukunka haysa oo uu ugu sareeyo Madaxweynuhu.

Taariikhda dib ha loo raaco oo yaan god hore loogu dhacay lagu sii socon. Tallo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.

Wabillahi Tawfiiq

Waxaa baaqan diraaya ragga hoos ku qoran;

Eng. Abdillahi Hassan Amay
Dr. Osman Omer Dool
Ahmed Abdi Hussein Indhogamuun
Muj. Saeed Mohamed Yusuf
Mohamed Abdillahi Essa
Yasin Sulaiman Mohamed
Ahmed Dualeh
Mohamed Saeed Warsame
Ali Hassan Dualeh
Khadar Ismail Elmi
Abdirisaq Haji Dahran
Hussein Ahmed Guun
Mohamed Elmi
Muj. Ahmed Ali Abdi (Oday)
Mustafa Ismail Ahmed
Mustafa Ali Gaagaab (Jaylani)
Jamal Muse Ismail
Mohamed Ismail Bahilawe
Hussein Osman Dhuux
Abdi Nabadiid Warsame
Hassan Ali Gaagaab
Ibrahim Osman (Jeeni Foodcade)
Mohamoud Abdi Ahmed
Ahmed Mohamoud Ismail
Eng. Abdi Omer Sudaani
Mubarak Omer Ibrahim
Muj. Adam Mohamoud Farah (Sikaawi)
Mohamoud Mohamed Kaahin
Abdi Ibrahim Maax
Muj. Ali Mahir Jama
Fuad Osman Muhumed
Muj. Faisal Abdillahi Abdi
Mohamoud Casayr
Mohamed-Nageeb Ibrahim Ahmed
Jamal Adam
Adam Mohamed Ibrahim
Mohamed Nour Adam
Eng. Ahmed Sh. Omer Hussein
Mohamed Yusuf Amay
Ahmed Yusuf Jama

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS