BALIGUBADLE MEDIA
Atoore Sanjay Dutt oo Diiday In Uu Qaato Lacag Malaayiin Dolar ah oo Magaciisa Lagu Qoray.
March 8, 2018 - Written by admin

Xiddiga caanka ah ee aflaamka Bollywood-ka ee dalka Hindiya Sanjay Dutt ayaa diiday in uu qaato lacag iyo hanti kale oo ay dhaxal ahaan uga tagtay haweenay taageero u ahayd oo geeriyootay.

sanjay dutt

Waxa uu sheegay in inkasta oo uu ka mahadcelinayo ficilka haweenayda, haddane uusan aqbali karin in uu qaato maadaamaa uusan la kulmin waligiis, islamarkaasna uusan aqoon u lahayn.

Bishii hore bangiga ayaa atooraha u sheegay in haweenay lagu magacaabo Nishi Harishchandra Tripathi oo 62 jir, taas oo dhimatay bishii Janaayo ee sanadkan in ay magaciisa ku qortay lacag iyo hanti kale oo ay iyadu lahayd.

Sanjay Dutt ayaa ka mid ah atooreyaasha ugu caansan ee Hindiya, islamarkaasna haysta lacag badan.

Waxa uu sheegay in uu bangiga kala shaqayn doono habraaca sharciyeed ee lacagta loogu wareejin lahaa qoyska haweenaydan oo ka kooban labo carruur ah iyo hooyadeed, kuwaas oo degan magaalada Mumbai. Lama sheegin inta ay dhantahay lacagta.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS