BALIGUBADLE MEDIA
Amiirka Dalka Qatar oo Safiir Saamayntiisa Leh U Soo Magacaabau Somaliya
March 21, 2018 - Written by editor

Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaaSafiir awooddiisa dhameystiran tahay u soo magacaabay Soomaaliya, iyadoo lagu wado in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar.

news
Xasan Xamza Asad Haashim oo ahaa Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho ayaa loo dalacsiiyay Safiir aan caadi aheyn, kaasoo geli kara xataa heshiisyada.

Danjire Xamza ayaa labadii sano ee u dambeeyay ka howl galayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhisme ku yaalla degmada Hodan oo xarun u aheyd.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka Khaliijka ee ku loolamaya Soomaaliya, waxaana la sheegaa in xidhiidh dhow la leedahay dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dhowaan uu ku tagayo Qatar ayaa la filayaa inuu lagu saxiixo taageero dhaqaale iyo mashaariic horumatineed oo Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka, ee ka dhashay xidhidhkii Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga u jareen Qatar ee lagu go’doomiyay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS