BALIGUBADLE MEDIA
Xogo Muujinaya Heerka Musuq-maasuqa Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Jeegag Lacag Ah Oo Lagula Baxay Saxeex Foojari Ah
February 2, 2018 - Written by editor

Xogyihii dawladda hoose ee xilka laga qaaday Cali Xasan Cawaale, ayaa ku eedeeyey maayirka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) inuu ku tagrifalay hantidii umadda isla markaana uu marar badan ka codsaday inuu saxeex hanta sifo sharci-darro ah lagu bixinayay.

xoghaye cali xasan cawaale2

fooljari
Cali Xasan Cawaale oo noqonaya xogyihii lixaad ee laga bedelo Maayar Soltelco ayaa sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha ku  eedeeyey inay Maayarka garab ku siisay musuqmaasuqa uu ku gudojiro kadib ,markii sida uu sheegay uu warbixin ka gudbiyey musuqa jira, Cali Xasan Cawaale oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi .

“Warbixino badan ayaan ka qoray hantidii umadda oo lagu tagrifalayo oo la lunsanayo waan diiday inay saxeexayga ku baxdo aniga, maadaama masuuliyadda ta alla iyo ta umaduba I saran tahay anigoo mustaqbalkayga aakhiro iyo ka adduunyaba u tudhaya ayaan soo bandhigay waa laygala quustay wasaaradda arrimaha gudahana aan gudbiyey warbixinta, walli wasaaraddu imay waydiin waxaan u gudbiyey, inay jiraan iyo inkale xitaa may hubin, qofna haddii uu qaylo oo uu yidhaahdo kayntan libaaxbaa ku jira dee in lala arko weeye illeen waxbaa loo diraye, laakiin haddii la cabudhiyo marka dambena la yidhaahdo xilkaa lagaa qaadayaa waa qodob liddi ku ah sarrayntii sharciga” ayuu yidhi Xoghayiii hore ee dawladda hoose ee Hargeysa.

Geesta kale warbaahinta madaxa banaan ayaa heshay warqado cadaynaya in warqado lacag lagula baxay lagu soo saaray saxeex been abuur ah oo laga sameeyey xoghayaha Cali Xasan Cawaale, waxaana tani ay ka dambaysaa markii sida uu sheegay uu diiday inuu saxeexo lacagtaas. Waraaqahan oo dhawr xabo ah isla markaana lacagtu kala duwan tahay ayaa dhammaantood loo istcimaalay saxeex iyo shaambad aan ahayn midda xogyihii hore, waa sida uu xaqiijiyey’e.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

 

COMMENTS