BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Cadaalada Somaliland oo Magacaabay Xilal Cusub
February 3, 2018 - Written by editor

Wasaaradda Caddaaladda JSL iyadoo ka duulaysa waajibaadkeeda shaqo ee ay qarankan u hayso inay fuliso, isla markaasna shaqaale-waynaha wasaaraddu qof waliba uu leeyahay shaqo lagala xisaabtamayo (Job Description) shaqaale-waynaha Wasaaraddana lagu sameeyo qiimayn Bille iyo sanadle, ah shaqaalihii ugu wacana lagu abaal marin doono shaqada wanaagsan ee uu qabtay.

Iyadoo taas laga shidaal qadanayo subaxnimadii hore ee saaka Wasiirka Caddaaladda JSL Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye wuxuu abaal mariyey shaqaalihii ugu wacnaa Bishii January/2018 kuwas oo noqday shaqalihii ugu wax-qabadka iyo hal abuurka wacnaa uguna joogitanka badnaa wasaaradda, waxayna ka kala socday dhamaan Waaxyaha Wasaaradda.

1) Kaltuun Yusuf Adam (Waaxda Maamulka iyo Lacagta)
2) Hibaaq Ibrahim Axmed (Waaxda Qorshaynta Iyo Horumarinta)
3) Ibtisaam Mustafe Garaw ( Waaxda Xabsiyada iyo Xuquuqda Adamah)
4) Nimco Ibrahim Boos ( Waaxda Marin-U-Helida Caddaaladda & Mihnadlayasha Sharci
5) Rooda Axmed Maxamed ( Waaxda Caddaaladda Haweenka & Carruurta.
6) Maxamed Axmed Cali ( Waaxda Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Dadwaynaha.
Masuuliyiinta wasaaradda Caddaaladdu iyagoo ka duulaya dhiiri galinta iyo ka war haynta shaqaalaha Wasaaradda waxay isla qateen in qof walba lagu qimeeyo hawl karnimadiisa iyo shaqo wanaagiisaba.bill walba sanadka dhamadkiisana la wada qimeeyo qofkii ugu wacna iyo qofkii ugu liitay sanadkaas.
ALLA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Caddaaladda JSL

COMMENTS