BALIGUBADLE MEDIA
Warwayn Wasiir Ku Xigeenka Daakhiligu oo La Soo Baxay Dhaqano Waxashnimo ah oo uu Ku Badhtilmaameedsanayo Qaar Kamida Beelaha Dalka
February 22, 2018 - Written by admin

Hargeysa (BGM) Wasiirka ku xigeenka daakhiliga maxamed muuse diiriye oo ah shakhsi u shaqeeya ganacsadaha maxamed awsiciid ayaa la soo baxay inuu kursiga wasaaradda daakhiliga ka dhigo boos lagu dilaalo hantida umadda sidoo kalena lagu soo xidhxidho xildhibaanadda xasaanadda leh ee umadda.

maxamed muuse diiriye

maxamed muuse diiriye oo ah dilaal u shaqeeya ganacsadaha reer jabuuti ayaa isagu ah shakshigii xidhay xildhibaanka reer oodwayne ee ilaa hadda xidhan

sidoo lale maxamed muuse diiriye ayaa ah nin ku mamay hantida umadda waxaanu noqday ninka kaliya ee laaluushka kaga qaatay maayar soltelko lacag boqolaal kun oo dolar ah si deegaanka looga saaro qaar kamida beelaha ugu tunka wayn ee hargeysa waana shakshsigii ka shaqeeyay shaqo ka xayuubinta xoghayahii dawladda hoose ee hargeysa

maxamed muuse diiriye intaas kumuu joogsane wuxuu habeen hore ku shiriyay gurigiisa qaar kamida xildhibaanadda golaha deegaanka caasimadda kuwaas oo uu ka dalbaday inay la heshiiyaan maayarka islamarkaana ay joojiyaan mooshinka ay xilka kaga tuurayaan soltelko

si kastaba ha ahaatee maxamed muuse diiriye, soltelko iyo kornayl muuse biixi ayaa dhamaantood ah isku beel waxaanaynu ka warsugi doonaa wax beel kamida beelaha hargeysa ay ugu tashadeen kooxdan kale ee iyaguna beelaha hargeysa ka tirsani waxaanaynu si wanaagsan ula socon doonaa faa’idada uu dhib iyo dheefba ka faa’ido dagaaladda waxashnimadda ah ee uu ku hawlanyahay khaasatana ku badhtilmaameedsanayo beelaha qaar wasiir ku xigeenka daakhiliga ee dilaalka isku badalay halka uu boosaskii beeshiisa ilaashanayo masuulkan faqashta ah ee wasiir ku xigeenka daakhiligu

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS