BALIGUBADLE MEDIA
Warar Xasaasi ah: Kornayl Muuse Biixi oo Federaal saxeexaya iyo Djibouti oo ka caawinaysa Iyo Waliba Cabdiraxmaan Cirro oo Jabuuti Ku sugan
February 22, 2018 - Written by admin

Sida aynu la wada socono Kornayl Muuse wuxuu socdaal ku gaalaabixiyay Dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyada Djibouti muddo kooban kadib uun markii uu Xilka la wareegay.

topnews
Dalka Djibouti ayaa si cad u farogelisay doorashadii ka qabsoontay Somaliland Bishii November 2017 iyadoo Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye ka helay taageero dhaqaale islamarkaasna ay qayb ka ahaayeen Musuqii doorashada ee ka dhacay Gobolada Galbeedka Somaliland.
Sidoo kale Qoyska ka arrimiya Madaxtooyada Djibouti ayaa in muddo ahba maalgashi dadban oo uu uga Wakiil yahay Nin ay Muuse Biixi iyo Marwada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isku reer yihiin oo lagu magacaabo Maxammed Aw Siciid ku lug lahaa. Maalgashigaas Waxaa ka mid ah Shirkada Isgaadhsiinta ee Somcable oo Kooto loogu xidhay inay Dalka keento Internet Fibre Optic loo yaqaano ee Cable dhulka hoostiisa mara loo isticmaalo.
Haddaba sida ilo wareedyo xogogaal ahi si kalsooni leh ugu soo tebiyeen  warbaahinta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa kula taliyay Muuse Biixi inuu aqbalo ka mid noqoshada Dawlada Federaalka Soomaaliya markuu booqday, Muuse Biixina arrinkaas sida la sheegay uu la qaatay.
Qorshaha ama Kaartada cusub ee ay wadaana waxaa ka mid ah in Wadahalada dhawaan u bilaabmayaa Soomaaliya iyo Somaliland aanay marnaba ku salaysnaan ka hadalka Qadiyada Gooni Isutaaga Somaliland laakiin laga wadahadlo sidii loogu heshiin lahaa midowga laba Dawladood oo siman oo Federaal ah.
Si arrinkaas loogu Qanciyo waxaa Muuse Biixi loogu balanqaaday in Ganacsatada kasoo jeeda Jeegaanta uu hormoodka u yahay lasiin doono Sadbursiimo ay ka mid yihiin Kontaraakyo iyo Qandaraasyo muhiim ah iyadoo sidoo kalena Awood badan laga siin doona Xilalka iyo Dhaqaalaha ka dhaxayn doona Dawlada Federaalka ah.
Waxaa kale oo iyana xusid mudan in Dawladaha wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ka qaybgelaya ay Djibouti ka mid noqon doonto. Dalka Djibouti ayaa weligiiba si cad oon gabasho lahayn uga soo horjeeday Ictiraafka iyo Gooni Isutaaga Somaliland.
Sida aan hore u sheegnayna Dalkani wuxuu si dadban qayb uga ahaa Musuqii foosha xumaa ee ka dhacay Doorashooyinkii sannadkii ina dhaafay ka qabsoomay Somaliland, markaa waxay iswaydiintu tahay sidee Shacabka reer Somaliland ugu kalsoonaan karaan Dalka Djibouti ay qayb ka noqoto wadahadalada.
Waxa kale arrinkan ku tacaluqa hadal dhawaan kasoo yeedhay Wasiirka Amuuraha Dibedda ee Somaliland Sacad Cali Shire oo uu ku sheegay in Dawlada Switzerland kusoo biiray wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland hase yeeshee warkaas Wasiir Sacad ayaa ah mid marin habaabin ah. Xaqiiqduna waxay tahay in Haayad la yidhaahdo ‘Centre for Humanitarian Dialogue’ oo Xarunta laga xukumaa ku taalo Dalka Switzerland ay mashruucan Wadahadaladka Qandaraastay. Mana jiro Dal Switzerland ah oo ka qayb noqonaya wadahadaladani.
Waxaa xusid mudan in Haayadan uu u shaqeeyo Wasiirkii hore ee Amuuraha Dibedda ee Dawladii Siilaanyo Maxammed Cabdillaahi Cumar (Meeqaam Sare/Bajaaj) oo aad ogtihiin sababaha uu kula baxay Naanaysahan caanka baxay ee iyagu ismacnaynaya isaga oo hada Ku digan magaalada Muqdisho.
Xoggahan ayaa ugu dambayn tibaaxaya in Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele uu kulan ka codsaday Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo uu ka baqo qabo inuu si Xoog iyo Laxaad leh uga soo horjeesto Kaartadan cusub ee Madaxweyne Geelaha Djibouti iyo Xukuumada Jeegaanta ee uu Kornayl Muuse Biixi gadhwadeenka ka yahay dabada ka riixayaan. Xoggaha ayaa intaas waxay ku dareen in hadda uu Gudoomiye Cirro ku sugan yahay Dalka Djibouti halkaasoo uu kulan kula qaadan doono Madaxweyne Geele.
Sida Shacabka reer Somaliland ka wada dheregsan yihiin Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye ayaa ku ololeeyay wakhtigii Kaambaynkii doorashadu socday in Musharax Cirro, Xisbiga Waddani iyo taageerayaasha Waddaniba yihiin Soomaaliwayn islamarkaasna cadaw ku yihiin Jiritaanka iyo Gooni Isutaaga Somaliland oon lagu aamini karin Masiirka ummada.
Sidoo kalena Waxaan maanta ka qarsoonayn Shacabka reer Somaliland in boobkii doorashada Kulmiye ku sameeyay iyo kala qaybtii Shacabku weli taagan tahay oon xal loo helin iyadoo weliba uu Kornayl Muuse soo dhisay Xukuumad dhan ka raran islamarkaasna meel kale daayoo Hargaysi aanay isu talaabin oo Oodu u kala rogan tahay.
Haddaba talaabadan ayaa noqon doonta haddii Xukuumada Jeegaanta Kornayl Muuse hogaamiyaa ku dhaqaaqdo mid kala dirta Beelihii Somaliland ku heshiiyay 1991 islamarkaasna horseedi karta burbur aan la saadaalin karin.
Sidoo kale arrintan ayaa haddii sida xogguhu tibaaxayaan ay u dhacdo waxay guul aan la qiyaasi karin u noqonaysaa Xukuumada Xamar oo marlabaad Taariikhda ka faaiidaysan doonta reer Somaliland oo kala socda oo kala danno ah.
Sannadkii 1960 ayay ahayd markii Maxammed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo koox siyaasiyiin ah oo uu hogaaminayaa, dhammaantood AHN ay Xoriyadii iyo Dawladnimadii Somaliland Xamar geeyeen kadibna Afka Boodh loo mariyay iyadoo Mansabkii ugu sareeyay ee ay helaan noqday Wasiirka Waxbarashada oo Maxammed Xaaji Ibraahim Cigaal laftiisa loo magacaabay.
Waxa la dhawraaba waa mawqifka iyo Doorka uu ka qaato Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro arrinkan masiiriga ah oo ah waxaa loogu yeedho Afka Ingiriisiga “Make or break” marka laga eego dhanka Masiirka Somaliland iyo Masiirkiisa Siyaasadeedba.

Xigasho: Qarannews

COMMENTS