BALIGUBADLE MEDIA
Sacad Cali Shire oo Sheegay Inay Rajaynayaan Dibu U Bilaabista Wadahadaladii Hargeysa Iyo Muqdisho
February 4, 2018 - Written by admin

-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay is bedelka ku yimid Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland laba sannadood oo uu xilka hayay, safar muddo laba toddobada qaatay oo uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska, halka uu ku dambeeyey maamulkii hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxa ka jira wadamada la filayo inay wada hadalada qayb ka noqdaan iyo isku daygii fashilmay ee Farmaajo ku doonayey inuu kursiga IGAD ku geeyo masuul ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland.

sacad cali shire

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay ayaa wareysigu wuxuu u dhacay sida

Maxa iska bedelay Siyaasadii Arrimaha Dibadda ee Somaliland?

Anigu muddo laba sanno ah ayaan ahaa Wasiir, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, labadaas sanno waxaan aad ugu dadaalay oo aan isku taxalujiyey, in marka hore aanu Wasaaradda dhisno, oo Wasaaradda xarunta iyo Wakiiladda dibadda inaga jooga, oo Wakiilo badan baanu xafiisyo u sameeynay, kuwa tiro badana waanu magacaawnay, waxaanu sameeynay qoraalo aad iyo aad u tiro badan, oo cid kasta oo aanu u tagayno waxaanu u geynaa qoraalo ka sheekaynaya taariikhda iyo qadiyada Somaliland, oo marka dhinaca sharciyada laga eego iyo marka dhinaca xuquuqda bilaa’aadanka laga eego, markaas waxaanu runtii fidinay qadiyadii iyo magacii Somaliland,

Maxay ku dhacday ayaad wasiir isleedahay in Somaliland oo nidaam dimuqraadiyadeed oo Doorashooyinkana si xor ah loo galo in ilaa hadda la aqoonsan waayo?

Runtii waxa xaqiiqo ah oo noo soo baxday in Caalamku Somaliland yaqaano, oo aan la isku khaldin Somaliland iyo Somaliya. Somaliland waxa tilmaaman u ah deganaasho iyo xasilooni,Dimuqraadiyad iyo maamul, Doorashadii dhawaana inoo dhacdayna sumcadeena ayey kor u qaaday, waayo 14 Doorasho ayaa sannadkii ina dhaafay ka dhacay Afrika, waliba inaga oo ah wadan yar oo sabool ah, oo aan la ictiraafsanayn haddana Doorashadeenu waxay ahayd Doorashadii ugu wanaagsanayd, waxaynu sameeynay wax caalamka oo dhami la yaabay, sidaas oo ay Doorashadu inoogu dhacdayna ILLAAHAY baa mahadeeda iska leh, laakiin waxa mudan in la xuso Shacabkeena, Axsaabteena kuwii mucaaradka ahaa iyo kuwii Muxaafidka ahaaba, sidii wanaagsanayd ee ay uga soo baxeen arinkaas, markaas Somaliya xaalada ay ku jirto weynu arkaynaa, sinabana la inooma barbar dhigo karo, haddii ALLE idmana Aqoonsiga Caalamiga ah weynu heli doonaa.

Safar muddo qaatay ayaa dalka kaga maqnayd, muxuu ahaa nuxurka iyo ujeedada safarkaagu, mise dal ayaad se soo martay?

Haa waa dhab oo safar dheer baan hadda ka yimid, waxaana maqnaa laba todobaad iyo dheeraad, waxaan tagay Wadanka Ingiriiska iyo Wadanka Itoobiya, Itoobiya laba jeer baan tagay, oo mar wuxuu ku beegnaa Safarkii uu Madaxweyne Muddane Muuse Biixi Cabdi ku tagay Itoobiya, marna wuxuu ku beegnaa Shirkii Midawga Afrika.

Mar haddii aad ku soo beegantay Shirka Midawga Afrika, Somaliland wali Aqoonsi Caalamiya helin,isla markaana aanay xubin ka ahayn, maxaad Shirkaas kala kulanteen?

Waa dhab oo runtii xubin kama nihin, oo guddaha maanu gelin, laakiin waxaanu fursad u helnay, in aanu la kulano ilaa Toban Wasiir iyo ilaa iyo dhawr iyo toban Safiir, iyo Madax kale oo ergo ah, iyo madax iyo saraakiil aad u badan oo ka mid ah EU-da,waxaana runtii uga waranay xaalada Somaliland, taariikhdeeda iyo qadiyadeeda, iyo geedi socodka Dimuqraadiyadeeda, aadna waa la inoogu bogaadiyey sidii wanaagsanayd ee aynu u galnay Doorashadii inoogu dambaysay, waxaanay aad inoogu xoojiyeen sidii aynu u ilaashan lahayn midnimadeena, nabadeena iyo dimuqraadiyadeena, waxa kale oo ay inagu dhiirigeliyeen inaynu codkeena kor u sii qaadno, oo aynu khaasatan aad u isticmaalno Warbaahinta, ka Bulshada iyo ka kaleba.

Sidee ayaad u aragtaa isku dayga Farmaajo ee ahaa in nin ka soo jeeda Somaliland uu IGAD geeyo iyo sidii aanay ugu suurtagalin?

IGAD ilaa shan Wadan ayaa xubno soo qadimay, ee Jaggadda Madaxweynaha ama Guddoomiyaha Ururka IGAD,kolay laguma wada guulaysanaayo, ee miduun baa ku guulaysan lahaa, Farmaajo iyo cidii uu watayba waxay ka mid ahaayeen kuwii aan ku guulaysan, insha allaah markaynu inagu xubin ka noqon IGAD cid dalkeena ka socota ayeynu geeysanaynaa, qof walba oo IGAD la geeyo ama meel kale la geeyo, oo Somaliya wadato, oo Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda, cid uu Somaliland ka matalo ma jirto, ee waa qof shaqo tagay.

Maxa ka jira in wada hadalada Somaliland la balaadhinayo oo Wadamada Switzerland, Sweden iyo Norway ay wada hadalada qayb ka noqonayaan?

Arintaas wali meel ma yaalo, oo walina waa qabyo,

Goorma ayaa la bilaabaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya?

Insha allaah wada hadaladii wey bilaamayaan, laakiin muddada iyo cida ka qayb galaysa wali waa qabyo.

Maamulkii Hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey arinkeedii halkeebu ku dambeeyey?

Arintii Hawadu wali wey taagan tahay, runtiina heshiiskii wey ka baxeen, laakiin Hawadeena inaga yaa kantaroolna ee iyagu ma kantaroolan, markaas weynu ka tashanaynaa sidii aynu waxeena u maamulan lahayn.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS