BALIGUBADLE MEDIA
(Nin dameer xun iibsaday marbuu dib u xaraashaa )
February 3, 2018 - Written by admin

Hogaamiya kasta oo ina soo maraa waxa uu ka dhashaa uun qabaa’ilada aynu kala sheegano mid ka mida,siddoo kale waxaa dhacda in ay caan noqdaan beeshaasi inta uu xilka hayo inankoodaasi,sidoo kale laba mid uun buu dhaxalsiiyaa beeshaa uu ka dhashay m/waynhsi xurmo iyo xushmad gaara oo lagu tixgaliyo beeshas,iyo in ay ka tikoormaan ummaddii ay walaalaha ahaayeen ee ay meesha ku wada noolaayeen,tusaale ahaan waxaa innoogu filan labadii beelood ee mareexaan iyo ciise muuse ee ay ka kala dhasheen labadii hogaamiye maxamed siyaad bare iyo M xaji ibarahim Cigaal AHN labadoodabee,maanta way inaga hoseyane
maxamud cabdi jaamac
hadaba bal aynu yara eegno xukuumadihii u dambeeyay,dawwladdii uu gadh wadeenka ka ahaa madaxwayne siilaanyo waxa lagu xaman jiray inkasta oo aanay beeshiisu aanay xil sadbursiimo ah haysan haddana sawirka madaxtooyada ka muuqdaa waxa uu muujin jiray sawir reer amma meel beeli ka taliso iyo beesha oo iska yara xigsiin jirtay dawlada dadka kale amma beelaha kale hadda ku darsoo wax ay dheeraayeen beelaha kale may jirin waxaan ahayn wasiiradooda lama baddalo oo lama eryo

Haddaba xukuumadda muuse biixi waxaad arkaysaa in durba asagoo 45 cisho haya uu kuraastii ugu badnaa abid ku taxay beeshiisa waxaa is waydiin mudan sida ay u eegaan doonto after 5-Yrs iyo muuqaalka ay dhaxalsiin doonto beesha uu ka soo jeedo!!!!haddaba waxa kale oo uu ku dhawaaqay maalin dhawayd in ay dhamays tirantahay dawladdiisu,haddaba waxa is waydiin leh muuse miyaanu ahayn kii ka dagaalamay caddaalad-daradii dawladii M,bare
Ee ay ku dhinteen 50’000 ee ruux si ay u helaan
Caddaalad,sinaan,iyo wax wada la’haansho,
Haddaba ma muusaan muusihii ahayn mise wadanka ayaan dadkii uu yaqaanay ku noolayn?

Haddaad maqasho kacdoon amma dawladd burburtay ,waxa keenaa waa qolo zad’bursiimo haysata oo rabta inay qasab ku haysato,iyo qolo rabta xuquuqdii ay lahaayeen rabta oo markii la maqli waayay doontay inay xoog ku helaan ama
Qori caaradii, waxba yaanan ku fogaane laba mid uun bay noqonaysaa xukuumada muuse amma ku dambaynaysaa,1-in qaranimadii la wadalahaa Dhaawac wayni soo gaadho,oo dadku garan waayaan wixii ay wada lahaayeen marka lagu dhaqmo wixii somalia lagaga go’ay,
Oo xamar laga wada ooyo intii hargaysa kooxi ka ooyi lahayd,oo somaliland tii aynu ogayn halka loo soo maray dib looga xaraasho xamar 2-in nabaddii ceel dheer ku dhacdo’ oo laga soo saari kari waayo sida maanta xaram ka taagan,
wada noolaanshihiina halkaa ku lumo oo la waayo kalsoonidii shacab oo bahalo la noqdo

Haddaba muusaw beeshaada u tudh oo somaliland u tudh ayaan ku odhan lahaa,
Oo somaliland aad gacantaada ku dhistay yaanay ku dumin gacantaada,taarikh xumo ka wayni majirto wixii aad dhistay ood gacantada ku dumisaa,Cilmi taani,,,,,,,,,,,

 

COMMENTS