BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Markii uu Xilalka Qaranka Ku Miisay Beeshiisa,Hadda Bilaabay Xilalka uu Ku Miisayo Qaraabadiisa
February 2, 2018 - Written by admin

Mustafe Maxamuud Xaji Cabsiiye, waa Xoghayaha cusub e dawladda hoose ee Gabilay oo la magacaabay arbacadii todobaadkan ina dhaafay, kadib markii xoghayihii hore ee degmada Gabiley xilka laga qaaday.

muuse haaruun

Mustafe Xaaji Cabsiiye waxaa magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, kaasoo sharciyen leh awoodda xilka qaadista iyo magacaabista xoghayayaasha fulinta ee dawladaha hoose ee degmooyinka dalka.

Ka sokow inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah Mustafe waxay qaraabo dhaw yihiin madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana dhashay eedadii ruma iyagoo qaraabo ahaan noqonaya ilma abti ruma, Madaxwaynaha iyo Mustafe Cabsiiye oo ah xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee degmada Gabiley.

Inkastoo muwaadin kastaa uu xaq u leeyahay in loo magacaabo xil kasta oo uu aqoon ama karti u leeyahay hadana arrintan ayay dadka siyaasadda falanqeeyaa ku macneeyeen inay ka turjumayso siyaasadda madaxwayne Muuse Biixi, isagoo muddo ka yar laba bilood uun uu talada hayay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS