BALIGUBADLE MEDIA
Musuqmaasuq Baahsan oo Dul Hooganaya Haayadda Shaqaalaha + Madax Taabashadii oo Dhicisawday.
February 18, 2018 - Written by admin

mashruucii madaxtaabashadda haayadda shaqaalaha dawladda ayaa isku badalay mid dhicisoobay kadib markii gudoomiyaha haayadda shaqaaluhu majaro habaabiyay mashruucii balaadhnaa ee madax taabashadda shaqaalaha wararka aanu helayno ayaa sheegaya in dhamaan madaxtaabashadii shaqaalaha dawladdu uu fashilmay islamarkaana uu fashilkaasi dulhooganayo gudoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda oo isagu afmiishaarnimo uu kursiga ku haysto mooyee aan hayn wax kale oo farsamo ah.

sharmaake fuu

fadeexadaha dul hooganaya barnaamijka madaxtaabashadda haayadda shaqaalaha waxa kamid ah goobo aanay haayadu shaqaaluhu tagin sida maxkamada iwm oo ay si hoose uga wada heshiiyeen giudoomiyaha haayadda shaqaalaha iyo masuuliyiintaasi gabi ahaanbana ma jirto wax madax taabasho ah oo laga sameeyay maxkamadaha iyo sidoo kale haayado dawladood oo door ah

gudoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda ayaa isagu noqday masuul afmiishaarnimo mooyee aan daacad ka ahayn hawlaha qaranka baligubadlemedia waxay idiin soo bandhigi doontaa fadeexadaha foosha xun ee dulhooganaya gudoomiyaha haayadda shaqaalaha oo noqday masuul afmiishaar ah oo aan umadda kala xishoon beenta iyo khiyaamadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS